Wednesday, December 3, 2014

“Dadka Caadiga ah ee maanta wax-qabanaya, dhibka la dhibayaa wuu ka badanayaa kii Anbiyada la dhibi jiray”

“Xukuumadda ka dhalatay Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaaminayo Madaxweynuhu, horumarkaa ay dalka gaadhsiisay bay diyaar ugu tahay shanta sanno ee dambe inay dalka ku xukunto” – Wasiirka Maaliyadda
Hargeysa, 03 Dec, 2014 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in xukuumadda uu hoggaaminayo Madaxweyne Siilaanyo inay dhammaystirtay ballan-qaadkii Xisbiga Kulmiye ku galay doorashadii Madaxtooyada ee xisbigu talada dalka ku hantay isla markaana ay ku tilaabsatay wax-qabad dheeri ka ah buuggii cagaarnaa ee Xisbiga Kulmiye.
WARKACabdicasiis Samaale oo la hadlayey siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dhaliilaha hoggaaminta xukuumadda uu ka tirsan yahay, waxa uu sheegay inay jiraan dad ka xun oo aan u ogolayn wax-qabadka ay ka sameeyeen dhinacyada horumarinta iyo korodhka miisaaniyadda, kuwaas oo uu sheegay inaanay wax culays ah ku haynin inay u jawaabaan balse ay bulshadu markhaati ka tahay isla markaana ay ka garsoorayaan Wax-qabadkooda iyo Dhaliilaha loo jeediyo.
“Xukuumadda Kulmiye muddada afarta sanno iyo badhka ay talada qaranka haysay, way muujisay wax-qabadkii iyo horumarkii looga baahnaa iyo ka badanba, waxaan Illaahay ka baryeynaa inuu noo sii siyaadiyo.
Masuuliyadda iyo Xilka waa lagu habboon yahay waana la kala gudan og yahay. Waxaanu leenahay xukuumadda Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa uu Illaahay markhaati ka yahay oo umaddu markhaati ka tahay waxay qabatay. Malaayinka Dollar ee khasnadda dawladda aan ku dhici jirin ee maanta ku dhacaya een jeeb ashkhaaseed ku dhacayn ee ku dhacaya dhismayaashaa kala duwan iyo horumarkaa qaranka loo qabanayo ee la arkayaa, waa wax aan qalbiga wanaagsan iyo dareenka wanaagsan iyo dadnimada wanaagsani aanay marnaba inkireyn, shacbiga reer Somaliland-na markhaati buu ka yahay, annaguna inaanu u jawaabno kuma habboona cidda wanaaggaas iyo kheyrkaas ka soo horjeedda, aan arkayn ama ka indho la’, uma baahna inaanu u jawaabno, sababtoo ah umaddaad u shaqaynaysaa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlayey munaasibad madaxweynaha Somaliland xadhigga kaga jiray dhisme dabaq ah oo loo dhisay Wasaaradda Boosaha iyo Is-gaadhsiinta.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddii Nebiyadii Illaahay la dhibayey, dadka Caadiga ah ee maanta wax-qabanayana, dhibka la dhibayaa wuu ka badanayaa kii Anbiyada la dhibi jiray. Maxaa daaraha u dhisteenbaa mararka qaarkood lanagu haystaa, maxaad waddooyinka u dhisteenbaa lanagu haystaa, maxaad horumarka dalka u gaadhsiinaysaan baa lanagu haystaa, maxaad miisaaniyadda 250 milyan u gaadhsiiseenbaa lanagu haystaa, tolow maxaa lanoogu haysaa? Dee waan la gaadhsiin doonin hadhow, kii gaadhsiin waayeyna wuu ka xunyahay oo wixii la xadayey baa soo baxay, ka dambena wuu ka sii xun yahay oo inaanu halkaas soo gaadhsiin karin buu sii ogyahay, markaa labaduba waa inay kula dagaalamaan, sow maaha? Diyaar-baanu u nahay inaanu qaadanno taasna. Markaad Illaahay dartii wax ugu qabanayso, waa inaad ogolaataa xag-xagashada uu ku xag-xaganayo ka wanaagga aad dadka u samaynayo ka xumi.”
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu ka hadlay oo yidhi, “Xukuumadda ka dhalatay Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaaminayo Madaxweynuhu, horumarkaa ay dalka gaadhsiisay bay diyaar ugu tahay shanta sanno ee dambe inay dalka ku xukunto.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment