
Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlaya wixii KULMIYE Bulshada u ballan-qaaday ololihii in Xukuumaddu dhammaystirtay, waxa uu yidhi; “Had iyo Jeer Asxaabta Siyaasiga ah looma dhisto uun inay meelahan is-jiid-jiitaane, waxa loo dhistaa Asxaabta Siyaasiga ah inay soo bandhigaan waxay doonayaan inay dalkan ku hoggaamiyaan oo ah Barnaamij Siyaasadeed, dhaqaale, wax-qabad iyo nabadgelyo oo ay Bulshada ku hoggaamiyaan, KULMIYE kaasuu soo bandhigay, Barnaamijkii KULMIYE wuu dhammaaday, anigaa sidaas leh oo Guddoomiye Ku-xigeenkiisa koowaad baan ahay, waxa immika sannadka inta yari ka hadhay ay qabanayso Xukuumadda KULMIYE waa saayid ka badan Barnaamijkii uu soo bandhigay.”
Maxamed Kaahin waxa uu sheegay inay Xukuumadda KULMIYE ee Madaweyne Siilaanyo hoggaamiyaa tahay tii ugu wax-qabadka badnayn muddadii ay Somaliland jirtay, isla markaana ay dhistay Xafiisyada Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dawladdu ku shaqeeyaan, Waddooyinka, horumarinta Dhaqaalaha, Ciidammada iyo adeegyo badan oo horumarineed oo wixii ay ku ballan-qaadeen KULMIYE ahaan iyo Madaxweyne ahaan ah markii ay ololaha doorashada ku jireen 2010-kii. “KULMIYE Xisbi Mucaarad ah buu ahaa, Xukuumadduu wax ka sheegayey, Saaxiibbadayada Asxaabta (Mucaaradka ah) waxaannu leenahay dee Daarahan lama dafirayo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment