Monday, December 15, 2014

Maxkamad Ku Taalla Jasiiradda Malta Oo La Horkeenay Muwadin Somaliyed Oo Ku Eedaysan Isku Day Dil

Valleta:Dec,15,2014(Himilo)-Muwaadin soomaaliyeed oo lagu eedeeyey isku dayga dilka laba Ruux oo u dhashay Dalka Sudan, ayaa waxa maxkamad ku taalla Jasiiradda Malta ay amartay in Xabsiga lagu sii hayo muddo aan la cayimin.

idogGarsooraha maxkamada ayaa amray in xabsiga lagu sii hayo C/raxmaan Axmed oo 49 sanno jir ah waxaana lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu toorey ku dilo 2 ruux oo u dhashay dalka Sudan.

Wargeyska Malta Today oo warkan qoray ayaa sheegaya in inkastoo maxkamada aan cadeyn la hor keenin hadda garsoorku amray in inta baadhistu dhamaanayso muwaadinkan Soomaaliyeed xabsiga lagu sii hayo.

Dacwad oogayaasha ayaa C/raxmaan ku eedeeyay inuu tooray u qaatay 2 nin oo Sudanes ah oo da’doodu tahay 55 sano jir iyo 46 jir kadib markii ay ku murmeen guri ay wada degen yihiin.

Labada ruux oo uu dhaawac fudud soo gaadhay hadda waxaa lagu dawaynayaa isbitaal Malta ku yaala waxaana uu falkaani ka dhacay maalin ka hor sida booliska laga soo xigtay.

Muwaadinkan Soomaaliyeed ee dacwadu ku socoto ayaa maxkamada ka hor dafiray kiiska loo haysto ee ah inuu damcay inuu dilo dad guriga la daganaa hase ahaatee waxaa uu qiray inuu jiray muran iyo gacan ka hadal dhex maray isaga iyo labada ruux ee dacwaysay.

 

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment