Hargeysa (Himilo) Musharaxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo maanta dalka ku soo laabtay, kana soo dagay gagida dayuuradaha ee Cigaal International Airport Ee Caasimada Hargeysa.
Taageerayaal tiro baddan oo sita calanka xisbiga ucid iyo sawirka musharaxa madaxweynaha iyo caleemo qoyan oo adeegsanaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa soo dhaweynta musharax Jamaal Cali Xuseen u tagey gagida dayuuradaha isla markaana u soo galbiyey xarunta guud ee Xisbiga Ucid Ee Magaalada Hargeysa, balse Ciidanka Booliska ayaa ka hor istaagay inay maraan jidka weyn ee hor mara qasriga madaxtooyada.
[gallery columns="4" ids="12555,12554,12553,12552,12551,12550,12549,12548,12547,12546,12545,12544,12543,12542,12541,12540,12539,12538,12537,12536,12535,12534,12533"]
Masuuliyiinta xisbiga Ucid ayaa ka hadlay jidka laga hor istaagay,Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Cabdillaahi, ayaa sheegay inay jiraan Dhaawacyo loo gaystay Taageerayaashooda iyo dad Boolisku xidhxidhay, waxaanu yidhi; “Waxaanu Shacabka reer Somaliland ee wanaagsan u sheegaynaa in maanta Xukuumaddu dhaawac iyo Khasaare u gaysatay Taageerayaasha Ucid badhna ay xidhan yihiin. Shalay ayaanu warqad u qornay oo aanu u sheegnay inay Ciidanka Booliska iyo ka nabad galyada wadooyinkaba ay nala socodsiiyaan in musharaxu soo degayo. Waxaanu la socodsiinaynaa 24 Saacadood gudohood lagu soo daayo daadkaasi la xidhay.
Sidoo kalena ku xigeenka Musharaxa Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in Ciidanka amaanka lagu amray in Ucid Wadooyinka laga horjoogsado. “Ciidanka Amniga waxaanu u haynaa abaal iyo wanaag, waxa la siiyay amar ah in haddii markii hore Madaarka nalaga joojin jiray haddana nalaga joojiyo Dariiqyada. Waad arkaysaan dalkii halkuu marayo, Sharciyaddii dhulkay inooga dhacday, waxa Xabsiyada ku xidhan XIldhibaanadii Bulshadu dooratay oo iyagoo aan Xasaanad laga qaadin oo aan Maxakamadi Xidhan Xabsiyada ku jira.” Sidaa ayuu yidhi Musharraxa u taagan jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan.
Dhinaca Jamaal Cali Xuseen oo warbaahinta uga xogwaramay ujeedada socdaalkiisa iyo waddamadii uu ku tagey iyo waxyaalihii u soo qabsoomayba ayaa waxa uu yidhi:-
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment