Saturday, December 13, 2014

Qaramada Midoobay oo Dalbatay Malaayiin Dollar oo loogu Gurmado Soomaali badan oo Macaluul iyo Biyo la’aan u dhimanaya

Nairobi, 13 Dec, 2014 (Himilo)- Qaramada Midoobay, ayaa dalbatay 863 Milyan oo Doollar oo si deg-deg ah loogu caawiyo 2.7 Milyan oo qof oo Soomaali ah oo u baahan gargaar deg-deg ah sida uu sheegay Afhayeenka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Stéphane Dujarric.
AFTAHAYEENKA QARAMADA MIDOOBAYAfhayeenka, ayaa xusay in si deg-deg ah loogu baahan yahay lacagtaas, si wax looga qabto dhibaatooyinka dhinaca Bani’aadamnimada ah ee ka taagan Soomaaliya. “Isu-duwaha gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini, ayaa sheegay in xaaladda Bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay ahayd mid aad sare ugu kacaysay tan iyo sannadkii 2011-kii markaasoo ay xaalado aad u daran oo dhinaca Bani’aadamnimada ahi ka dhaceen Soomaaliya.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Qaramada Midoobay Mr. Dujarric.
Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu sheegay in colaadaha, abaaraha iyo daad ku dhuftay deegaannada Soomaaliya qaarkood ay sare u qaadeen qiimaha lagu iibsado raashinka quutul-daruuriga ah. Waxaanu yidhi; “Hay’adaha gargaarku waxay sheegeen in ugu yaraan saddex milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin in si dhaqso ah loola gaadho gargaar deg-deg ah, kuwaasoo hal milyan oo ka mid ahi aanay helin raashin ay cunaan.”
Warbixinta ayaa lagu xusay in 20% (boqolkiiba labaatan) ay sare u kacday xaaladda Soomaaliya ee dhinaca Bani’aadamnimo sannadkan oo keliya, iyagoo ka digay in haddii aan gargaar deg-deg ah lala gaadhin ay xalaaddu kasii dari karto.
Geesta kale, Warbixinta ayaa lagu xusay in xaaladdda bani’aadamnimo ee Soomaaliya oo kasii daraysa ay barbar-socoto dib-u-dhis ka socda Soomaalia ka dib in ka badan 23-sano oo ay colaado ka taagnaayeen Soomaaliya.
Ugu dabmeyn, Afhayeenka ayaa sheegay in Soomaaliya ay loollan adag kula jirto sidii ay nabadda kusoo celin lahayd, iyadoo dawladda Soomaaliya iyo Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab si ay dalka u nabadeeyaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment