Wuxuu la deganaa hooyadii keligii ayaanay dhashay, waxay ku noolaayeen guri noloshiisu dhexdhexaad tahay, wuxuu caado ka dhigtay inuu habeen oo dhan ku soo jeedo daawashada Filimida xun xun, markasta oo hooyadii ka waaniso oo ugu baaqdo inuu salaada tukadana wuu karaahiyaysan jiray marmarka qaarkoodna wuu dagaali jiray hooyadii, hooyadii waa qof cimrigeedu weyn yahay lama diriri karto inankeeda markastase way u ducaysaa, Ducada qofka muslimka ahi waa gantaalaha uu ku hubaysan yahay weliba gaar ahaan habeenkii waa waqtiga gantaalaha ducadu ka gudbaan xuduudaha samada oo u gudbaan Xaga sare iyo carshiga. Habeenkii danbe ayaa inankeedii oo daawanaya musalsaladii ayay u kacday salaadii saqda dhexe oo ducaysatay, Illaahay awood baddane weeye wuxuu ka aqbalay ducadii, inankii ayaa kacay oo waxay hooyadii dareentay inankeedii oo burburinaya muraayadii uu daawanayey ,dabadeed intuu degdeg u kacay ayuu waysaystay oo hooyadii oo ducaysanaysa isa soo dultaagay oo ku dhegdhegay oo ku ooyey, hooyo Alle wuu ii aqbalay ducadaadii, markaasaa hooyadiina oohinta ku dartay laakiin markan may murugo ooyin ee way farxad ooyaysay.
Illaahow hooyooyinkayo u denbi dhaaf habeen iyo maalin ba waxay inala doonayaan naxariis wanaag iyo Jannada Alle u diyaariyey adoomadiisa wacan. Waxaynu kale oo ka fahmaynaa ducada in Illaahay aqbalo weliba marka waalidku u duceeyo ilmihiisa ama Ilmuhu u duceeyo waalidkii.
Illaahay wuxuu yidhi: Nebi Allow adoomadaydu haday I kaa weydiiyaan waaan u dhowahay oo waan ka ajiibayaa ducada qofkii I barya ha I baryeen oo ha I ajiibeen, oo ha i rumeeyeen.
Hussein Jama Guudcade
diintuwaanasteexo1@gmail.com
No comments:
Post a Comment