Wasiirka oo mudaneyaal dhawr ahi wax ka waydiiyeen Arinta horumarinta Gobolada bari siiba Lacagta kabka ah ee 2%-ga ah ee loogu tala galay in lagu horumariyo Gobolada Bariga inuu caddeeyo Mashaariicda ilaa hadda lagu hirgaliyay maadaama ay Malaayiin doolar gaadhayso waxa uu sheegay in lacagtaas iyo Dakhli kale oo Gobolada la galiyayba horumaro aanu cayimin la galiyay.“Arinta la xidhiidha Gobolada Bariga iyo wax ka qabadkooda,umay yaraysan Xukumaddu, wax badan bay ka qabatay, hadday tahay Iskuulo, hadday tahay Dhakhtaro, hadday tahay Wado iyo hadday tahay Kaabayaasha kale ee dhaqaalaha ee kala duwan.runtii si weyn bay xukumaddu wax uga qabatay Intaas oo Xannaano(MCH), intaas oo Iskuul, intaas oo Jaamacadood, intaas oo wado bilaw ah intuba waxay runtii ka mid yihiin waxyaabaha XUkumadda Kulmiye wax ka qabatay 2%-dana sidoodii ayay u galaan dakhli ka badana wuu galaa Gobolada Bari” ayuu yidhi Wasiir Samaale.
Wasiir Samaale oo sidoo kale wax laga waydiiyay Baahida Keentay In Guryaha Qaranka oo Miisaaniyaddana uu ka muuqdo Kharash Dawladda ka soo gala keentay in la Iibiyo ayaa ku jawaabay, “Guryaha la iibinayo, dawladdu waxay xaq u leedahay in wixii Guryo dawladeed ah ee aan la isticmaalayn la iibiyo oo Lacagta lagu Iibinayaana ay gasho Kharasha Dawladda iyo Miisaaniyadda, markaas Miisaaniyadda 2015-ka waxaa ku jira Guryaha dad ku jiro oo u baahan in loo Sharciyeeyo oo si sharci ah looga iibiyay islamarkaana Miisaaniyadda ayay ku cad yihiin”
Miisaaniyadda Xukumadda oo dhan inka badan 251 Milyan ayaa Mudanayaashu doodeeda galayaan maalmaha soo socda islamarkaana la filayaa inay ansixiyaan.
Xukuumadda ayaa baahi weyn u qabta Hirgelinta Miisaaniyada, maadaama Inta badan Hawlihii muhiimka ahaa ay xanniban yihiin Siideynta Kharashaadka ku cad miisaaniyadda oo Hawlmaalmeedka Dawladda Muhiim u ah.
Wasiirka waxa kale oo ay Xildhibaanadu waydiiyeen Tirada Shaqaalaha Dawlada ee Somaliland intii ay ahayd Xukumadihii hore iyo Inta shaqaale ah ee ay ku kordhiyeen waxaanu hoosta ka Xariiqay in Tirada shaqaalaha ee ka horeeyey 2010-kii ay ahaayeen 8504 halka Sanadkan 2015-ka ay ka yihiin 16089 shaqaale ah, waxa kale oo uu tilmaamay in shaqaalaha Dawladu ay qaadato hay’ada Shaqaaluhu Imtixaana ka qaado, isla markaana Shaqaalaha dawlada ee Gobolada Barriga imtixaanka lagaga qaaddo Burco, halka Gobolada kalena Hargeysa Laga qaado.
Wasiir Samaale waxa la weydiiyey Qiimaha Xad-dhaafka ah ee lagu qaato Baasaboorka Somaliland oo ah mid Qiimihiisu kor u dhaafay $160, ayaa waxa uu wasiirku sheegay in Qiimaha lacagta E-Passaporka aanay wasaarada Maaliyadu Dajin balse Golaha wakiiladu Ansixiyeen, waxa kale oo Wasiirku beeniyey in wasaarada Maaliyadu cashuur kordhisay isaga oo xusay in aanay wax cashuur ah aanay Kordhin.
Wasiirka waxa kale oo la weydiiyey Haddii ay Isbixinwaydo Odoroska Miisaniyadu halka laga bixinayo, iyo waliba haddii Lacagi ka soo hadho Miisaaniyada Sanadkaasi meesha la geeyo waxaanu wasiirku ku jawaabay. “Miisaaniyadu waa Odoros waa malo-awaal waa wax aanu fillayno, meelaha aanu fillayno in ay ka soo baxdana Buug ayey ku qoran tahay siduu ku talogalku yahay, waad la socotaan oo sanad walba waxaanu idiin keena ku tallo galku Miisaniyad wuxuu yahay, Shanta Sanno ee hawsha aanu wadnayna Sanad-na ismay dhimin, 2015-kana illaahay waxaanu ka Baryeynaa sidaasi ku tallo galku yahay iyo si ka baddan inay u soo baxdo, haddii wax si noqdaan waa laydiin sheegi oo golaha la keeni illaahay kama dhigee, laakiin anagu kalsooni weyn baanu ku qabnaa in ay soo baxayso, waxa kale oo aan iyana ka jawaabayaa lacagta ka soo hadha miisaaniyada waxa la galiyaa miisaniyada danbe.”Ayuu yidhi Wasiirku.
Su’aal kale oo la weydiiyey ayaa u dhignayd Sababta Xukuumadu Miisaniyada ugu dari weyday Xabsiga Magaalada Boorama oo uu mudanuhu ku sheegay in uu yahay Xabsiga ugu xun Somaliland isla markaana mar ay kormeer ay ku tageen hal Daqiiqo ay ku jiri kari waayeen, wasiirku waxa uu kaga jawaabay in Xukuumadu dadaal ugu jirto sidii ay u dhisi lahayd dhammaan hay’adaha dawlada ee Gobolada iyo Degmooyinka waxaanu tilmaamay in xagga dhismuhu uu kala horeeyo oo loo soo socdo Boorama iyo gobolada kaleba.
Xildhibaanku waxa kale oo uu wasiirka waydiiyey Maadaama oo lacagta la siiyo Maxaabiista Jeelasha ku xidhan ay yar tahay sababta loogu kordhin waayey, waxaaanu Samaale sheegay in Miisaaniyadan lacag loogu daray dadka maxaabiista iyo Guud ahaan Garsoorka dalka waxaanu xusay in baahiyaha dalka ka jiraan aan mar kali ah la wada kafeyn karayn basle kolba mid ay dhameyn doonaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment