Nairobi/Mandheera, 03 Dec, 2014 (Himilo)- Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta iyo badhtamaha dalka Soomaaliya oo sannadihii u dambeeyey culays nabadgelyo ku hayey dalka Kenya, ayaa sheegatay Masuuliyadda weerar lagu khaarajiyey 36 qof oo Kenyan ah habeen-hore waabberigii meel ku dhaw degmada Mandheera, waxaanu weerarkani keenay in Madaxweynaha Kenya Uhuhu Kenyatta xilka ka qaado Wasiirkii arimaha gudaha iyo Amniga iyo Taliyihii Booliska oo isagu iscasilay gelinkii dambe ee shalay.

Lix Iyo Soddonka qof ee ay Al-Shabaab sheegatay Masuuliyadda dilkooda, ayaa lagu soo warramayaa inay ahaayeen dhammaantood dad aan Muslimiin ahayn, halka 28-ka qof ee ay toddobaadkii hore Bas Rakaab oo ay saarnaayeen kala degeen Al-Shabaab ee ay dileenna ahaayeen Kiristaan iyo Maseexiyiin, iyagoo markaa sii daayey dadkii Muslimiinta ahaa ee la socday Baskaas.
Dadkan ay Al-Shabaab sheegtay inay weerar ku laysay xilli dambe oo Salaasadii habeen-hore ahaa, waxay ahaayeen Shaqaale ka hawlgalayey Meel Dhuxul-dhagaxda iyo Dhagaxa laga qodo oo ku dhaw Degmada Mandheera, waxaana lagu faahfaahiyey sidii weerarkaasi u dhacay iyo qaabka dadkaas ay u dileen War Qoraal ah oo ka soo baxay Kooxda Al-Shabaab.
Waxaana Warkaas Al-Shabaab soo saartay lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen guutada Saalax Nabhaan ee kooxdaas ka tirsan, isla markaana uu jawaab u yahay hawlgallada Ciidamada Millateriga Kenya ee ka midka ah kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya iyo dhibaato ay sheegeen in lagu hayo Bulshada Muslimiinta ah eek u dhaqan magaalada Xeebta ah ee Mambasa ee dalka Kenya.
Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali-Dheere) oo War qoraal ah ka soo saaray Salaasadii shalay Weerarkan ay habeen-hore ka fuliyeen Kenya, waxa uu yidhi; “Weerarkan u dambeeyay waa mid qayb ka ah Weerarro la qorsheeyay oo ay fulinayaan Mujaahidiintu si ay jawaab uga bixiyaan dhulka Muslimiinta ee Kenya haysato iyo tacaddiyada joogtada ah ee ay Muslimiinta ku hayso, sida duqayntii ay u gaysatay dadka Soomaalida ah.”
Waa uu sii watay hadal-qoraalkiisa Afhayeenka Al-Shabaab Sh. Cali-Dheere, waxaanu yidhi; “Dilkan waxaa fuliyay guuto gaar ah oo Al-shabaab ka tirsan oo magacoodu yahay ‘Saalax Al-Nebhan’ waxaana dilkan uu ahaa mid aan ugu aargudaynay muslimiin badan oo horay loogu dilay gudaha Kenya iyo Soomaaliya.”
Wararka deegaanka weerarku ka dhacay ee dalka Kenya ka imanayaa waxay sheegayaan, dadkaasi qaar ka mid ah in la toogtay, qaar kalena qoorta laga gooyay iyaga oo dhex jiifay Taandhooyin ay degganaayeen oo ku yaallay goobta ay Dhagaxa ka qodi jireen ee ay ka shaqaynayeen 36-kaas qof.
Waxaa sidaas u sheegay Booliska Kenya qaar ka tirsanaa Shaqaalahaa Dhagaxa qodayey ee Al-Shabaab weerartay oo ka badbaaday inay goobtaas ku dhintaan Xalay. Waxaanay intaas ku dareen shaqaalahan badbaaday in Shaqaalihii Muslimiinta ahaa ee ay dadkan la dilay isku goobta joogeen gaar loo saaray oo aan wax dhibaato ah loo geysannin.
Madaxa Ciidammada Booliska Kenya David Kimaiyo, ayaa sheegay in dadkan la dilay ay ku sugnaayeen meel qiyaastii Mandera u jirto 15-KM, halkaasoo lagu magacaabo Koromey. Weerarkan ayaa dhacay saacado ka dib markii Koox hubeysan ay Bambada nooca gacanta laga tuuro ah ku tureen goob habeenkii lagu Caweeyo oo ku taalla Magaalada Wajeer ee dalka Kenya isla Salaasadii xalay, waxaanay Rasaas 10 Minid ama Daqiiqo socotay lagu furay xarun Boolis, halkaas oo uu ku dhintay hal qof, Shan Ruux oo kalena ku dhaawacmeen, sida Booliska Kenya caddeeyey.
Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta dalka Kenya, ayaa Cambaareeyey weerarkaas dadka aan Islaamka ahayn Al-Shabaab ku laynayso iyagoon waxba galabsan, waxaanay ku tilmaameen weerarkaas mid aan waafaqsanayn Shareecada Diinta Islaamka, iyagoo xusay inay aad uga xun yihiin.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa xilkii ka qaaday Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Joseph Ole Lenku iyo sidoo kale Taliyihii Booliiska Kenya Jen. David Kimaiyo oo isagu is-casilay, isla markaana uu Madaxwene Kenyattana sheegay inuu is-casilaadda ka aqbalay.
Wasiirka uu Madaxwenuhu xilka ka qaaday Joseph O Lenku ayuu ku beddelay Wasiir cusub, kaasoo lagu magacaabo Joseph Nkaissery oo uu Madaxweynuhu ku sheegay inuu ka shaqeyn doono, inkastoo aanay jirin Taliye lagu beddelay Taliyihii Booliiska ee Uhuru is-casilaadda ka aqbalay isla shalay.
Hadal uu Madaxweynaha Kenya u jeediyay Shacabka dalkiisa oo uu ka jeediyey Telefeshinka dawladda, ayuu xusay in shacabka ay og-yihiin in Al-shabaab ay doonayso inay diinta u adeegsadaan sidii ay isaga horkeeni lahaayeen shacabka dalkan ku nool ee Muslimka iyo masiixiyiinta ah.
“Diinta Muslimka waa Diin nabadeed, mana aha sida ay Al-shabaab doonayso inay u isticmaasho. Weerarkan waa mid innaga oo dhan innagu waajahan, waana inaan u Midownaa dagaalka lagula jiro Argaggixisada.” Sidaa ayuu Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku yidhi Khudbadda uu Telefeshinka dawladda ka jeediyey shalay.ayuu ku yiri Uhuru Kenyatta khudbaddiisa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment