
Ugu Horrayn Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo saxaafadda la Hadlay, ayaa faahfaahiyey aragtida xisbi ahaan ay ka qabaan hoggaanka la doortay, “waxoogaa hadal ah ayaanu haddii aanu xisbiyada nahay aanu dib iskugu noqonay, arinta komishanka cusubna waanu soo dhaweynaynaa, waana la shaqaynaynaa, sidii kuwii horeba aanu ula shaqaynay.”ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe oo isaguna Halkaas Ka Hadlay, ayaa carrabka ku dhuftay saluugooda ku aaddan hannaanka Hoggaanka looga wada dhigay Xubnihii Aanay Mucaaridku soo magacaabin, balse waxa uu sheegay in arrintaas loo gudbin doono Komishanka laftooda, waxana uu yidhi, “Saaka waad arkayseen in markii hoggaanka la sheegay aanu kacnay, Toddobada qofba waanu soo dhawaynaynaa, badankoodana waanu naqaanaa, ilaahayna waxanu ka Baryeynaa inay noqdaan Kuwii waara ee aan la beddelin oo doorasho fiican oo aan laga daba hadlin inoo qabta ilaahay baanu uga Baryeynaa, Hase ahaatee hoggaanka sida loo sameeyey waad ogtihiin oo hoggaanku waxay ka Yimaaddaan saddex meelood, Guurtida iyo saddexda Xisbi, waana iska ogolaanay inkastoo aanu isku daynay inaanu Beddelno, Maantana sida Hoggaanka loo sameeyey waxanu ka qabnaa dareen Haddii aanu saddexda Xisbi nahay inaan Komishanka u gudbino oo kala xaajoono, wax kale oo dhibaato ahina ma jirto.”
Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde oo isaguna Sharraxay aragtida xisbigiisa ee Hannaanka loo doortay Hoggaanka Komishanka, ayaa tilmaamay inay dib ugu celin doonaan Cabashadooda komishanka laftooda, “Waxanu aad usoo dhaweynaynaa Komishanka qaranka oo aanu aaminsan nahay inay si caddaalad ah u hagi doonaan Doorashooyinka, Xisbiyada qarankana ay midayn doonaan oo ay si caddaalad ah u hagi doonaan, Laakiin, waxanu dareen ka qabnaa qaabka hoggaanka loo sameeyey, kaana waxanu u gudbinay Komishanka.”ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Uurcadde.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment