Damascas:Dec,08,2014(Himilo)-Goobo muhiim ah oo ku Yaalla Magaalada Dimishiq, ayaa waxa duqaymo gaadhsiiyey Diyaarado dagaal oo ay leedahay Isra’el sida ay sheegtay Dawladda uu hoggaamiye Madaxweyne Asad.

Isra’iil ayaa lagu eedeeyey inay duqeysay laba xarumood oo ku yaal meel aan ka fogeyn Madaarka caalamiga ah ee magaalada Dimishiq, Sidoo kale diyaaradahan Isra’iil ayaa duqeymo kale u geystay magaalada Dimas oo ku dhaw xad u dhaxeysa Lubnaan iyo Siiriya.
Wax faah faahin ah lagama bixin goobaha la duqeeyey iyo khasaaraha ka dhashay, walow Telefishinka dowlada Siiriya uu shaaciyey duqeynta.
Ciidamada cirka ee Isra’iil ayaa hore duqeymo la beegsaday xarumaha militariga iyo hubka ee xukuumada Siiriya, tan iyo markii uu bilowday kacdoonka looga soo horjeedo xukuumada Bashaar Al Assad sanadkii 2011.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment