Tuesday, December 9, 2014

Saluuggii Mucaaradka, Is-hor-taaggii KULMIYE, Dareerkii Xubnaha Guddiga, Faqii ku xigay iyo Is-beddelladii Jewiga

SHALAY: Doorashadii Hoggaanka Guddiga Cusub ee Komishanka

“Ma aqbalayno ma Guddi doorashaa waa Guddi dawladdu boobtay hoggaankeediiye, yey u garsoorayaan ma dawladda oo nala tartamaysa ayaa haddana Komishanka hoggaaminaysa? Aqbali mayno...” Faysal Cali Waraabe... Saacad iyo badh ka dib-se muxuu yidhi Faysal?
Hargeysa, 09 Dec, 2014-(Himilo):- Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shalay xilka kala wareegay Guddigii hore ee shaqadu ka dhammaatay, isla markaana waxay doorteen labada xubnood ee kala noqonaya Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka.
Hase-yeeshee, Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI oo Xafladda goob-joog ka ahaa, ayaa ku gacan-saydhay qaabka hoggaanka Guddiga loo doortay, go’aansadayna inay dibedda uga baxaan Munaasibadda markii Siciid Cali Muuse oo xubin ka ah Guddiga, lana sheegay inkasta oo aan madashaas laga shaacin inuu yahay Afhayeenka Guddigaasi ku dhawaaqay Magacyada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka oo ka tirsan xubnaha ay soo kala xuleen Golaha Guurtida iyo Madaxweynuhu.
komishan2komsihannkomishannGuddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Musharraxa jagada Madaxweyne Ku-xigeenka UCID, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo xubno kale oo labadaas Xisbi ka kala socday, ayaa markii lagu dhawaaqay labada Magac ee Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga doorashada, iyagu istaagay, isla markaana isku qaaday Al-baabka laga baxo ee Hoolka Shirarka xarunta Guddiga doorashooyinka ee magaalada Hargeysa oo Xafladda xil-wareejinta iyo shaacinta is-doorashada xubnaha xilka la wareegay ka socotay.
“Waxaan idiin sheegaynaa Shir aannu saaka (shalay) yeelannay inaannu Guddigayagu ku doorannay Guddoomiyaha Guddiga u doorteen Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Ku-xigeenkayaguna waa Maxamuud Xasan Wacays, waa xubno aannu isku raacnay Komishan ahaan dhammaantayo oo isku waafaqnay.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Cali Muuse oo ay Kuraasta hore fadhiisteen isaga iyo lixda Xubnood ee kale ee Guddiga doorashooyinka xil-wareejintu markay dhacday ka dib.
Masuuliyiintan Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa waxay ku tilmaameen inay xubnihii dawladdu soo magacawday oo keliyi isku koobeen xilalka Guddiga doorashooyinka, sidaa awgeedna ay qaaddeceen oo aanay u arkayn caddaalad iyo inay Xisbiyada u garsoori karraan.
“Ma aqbalayno ma Guddi doorashaa waa Guddi dawladdu boobtay hoggaankeediiye, yey u garsoorayaan ma dawladda oo nala tartamaysa ayaa haddana Komishanka hoggaaminaysa? Aqbali mayno Xusbiyo tartamaya ayaannu nahay!” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo ka daba booday Faysal, ayaa diiday inuu albaabka ka baxo, isla markaana ku ladqabeeyey inuu fadhiisto oo aanu shirka ka bixin Faysal oo cadhaysanna ku fadhiisiyey Kursigii uu ka kacay iyadoo meeshu isla oogsatay, Kamaradahana lagu jeediyey dhinaca Kulankaasi ka faruurmay.
Waxaanu Faysal oo la hadlaya Xubnaha kale ee Xisbigiisa iyo Xubnaha Xisbiga WADDANI oo uu ka dareen-horreeyey markii Siciid Cali Muuse oo Munaasibadda ka sheegay magacyada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka ee uu afkiisa ka dhammaaday magaca ku-xigeenku booday si uu dibedda ugu baxo, balse la fadhiisiyey, ayaa isagoo xubnahaas la hadlaya ku tiraabay; “Maxaa ka qabanaysaan waar iskaga baxa meesha innaga saara waa Guddi lala wareegaye!.”
Waxaana markaas iyaguna fadhiga ka kacay Xubnaha WADDANI ka socday, Xubnaha kale ee UCID ka socday iyo Xubnaha Guddigii hore ee Doorashooyinka ee xilka wareejiyey, Xubno ka socday Akaademiga nabadda iyo Dalladda Ururrada aan dawliga ahayn ee Somaliland, kuwaasoo ku dedaalay dejinta iyo lad-qabaynta Xubnaha Mucaaradka ah ee Faysal hor-joogohooda isu-dhigay, maaddaama oo uu ku baraarujiyey inay diidmada habka hoggaanka Guddiga cusub ee doorashooyinka loo doortay ay ka qabaan.
Suuragal ma noqon markaas ka dib in la fadhiisto, waxaana dibedda u baxay toddobada xubnood ee Guddiga xilka la wareegay ee doorashooyinka, kuwaasoo toddobadooduba ka baxay kedin aan ahayn kii Hoolka laga soo galay. Waxaana markaas ka dib Xisbiyada Mucaaradka ahi dalbadeen inay gaar u wada-hadlaan iyaga iyo Xisbiga talada haya ee KULMIYE, Ciidanka Ammaanka ee xarunta, ayaa iyaguna dibedda uga saaray ama dibedda uga soo dejiyey Suxufiyiinta Dabaqa labaad ee uu ku yaallo Hoolka Shirarka ee Xil-wareejintu ka dhacday, xaaladdiisuna is beddeshay.
Saacado la isku maqnaa ka dib, waxa dibedda u soo baxay Xubnaha Guddiga doorashooyinka oo ay Warbaahintu isku dayday inay wax ka weydiiso sida wax lagu dhammeeyey, waxaanay ka gaabsadeen inay Saxaafadda la hadlaan, balse Masuuliyiinta saddexda Xisbi, ayaa la hadlay Warbaahinta.
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraaabe iyo Xoghayaha guud ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo labadaas Xisbi Mucaarad u hadlay, ayaa sheegay in ay Xubnaha Guddiga u rejaynayaan dhex-dhexaadnimo iyo caddaalad inay ku shaqeeyaan, balse ay habka hoggaanka loo doortay saluugeen oo aanay labadooda xubnood midna ka muuqan, isla markaana waxay sheegeen inay qoraal saluuggooda xambaarsan u gudbin doonaan Xubnaha Guddiga ee ay is-doorashadooda saluugga ka muujiyeen.
“Waxoogaa hadal ah ayaannu Xisbiyo ahaan dib isugula noqonnay, arrinta Komishanka cusub waan soo dhawaynaynaa, waa baarigaynaa Xisbiyo ahaan, waxaanan ula shaqaynaynaa sidii aannu Guddigii hore ee doorashada ula shaqayn jirnay.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo markii shirka saacadaha qaatay ay ka soo baxeen Saraakiisha Xisbiyadu Warbaahintu wax ka weydiisay waxay isla meel-dhigeen.
Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa yidhi; “Horta waxa weeye Saaka (Shalay) waad arkayseen meesha markii la sheegay hoggaanka ka kacnay! Annagu Xisbiyo ahaan toddobada xubnood ee Guddiga waxaannu soo dhawaynaynaa, aad iyo aad baannu u baarigaynaa, intooda badan waannu naqaannaa, waa dad muxtarim ah, Illaahay waxaan ka baryayaa (SCWT) inay noqdaan Komishankii waara ee aan mar dambe is-beddelin, Hay’adda Komishankana innoo dhisa illaa degmo Insha Allaahu wa-tacaalaa. Kuwii hawsha Illaahay u fududeeyo ee doorasho wanaagsan oo aan la iskku qabqabsan oo aan laga dabahadal innoo qabto Illaahay inuu ka dhigo ayaan ka baryayaa.”
“Hase-ahaatee, Hoggaanka sida loo sameeyey waad ogtihiin, waxay ka yimaaddaan xubnuhu saddexda Xisbi iyo Guurtida...Maanta waxa weeye habka loo sameeyey hoggaanka dareen baannu ka qabnaa, dareenkaasna waxaannu jecelnahay inaannu Warqad u gudbinno oo wada xaajoonno, Insha Allaahu waanu dhammaan doonaa, wax kale oo dhibaato ahina ma jiraan, waxaanan u rejaynayaa Xubnaha Guddiga doorashada Safarkooda berri (maanta), waannu u ducaynaynaa in Illaahay hawsha u fududeeyo, waxaanan kula dardaarmayaa beesha caalamku ee dhaqaalaha doorashada bixiya inay si wanaagsan ula shaqeeyaan oo wada shaqayn wanaagsani dhex-marayso. Annagu eed saari mayno ciddii soo magacawday, ee waxaannu leenahay dhex-dhexaad wax ha noqdaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde, ayaa dhankooda sheegay inay Xisbi ahaan soo dhawaynayaan Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka ee shalay xilka la wareegay, isla markaana u hambalyeynayaan, Illaahay-na uga baryayaan inay noqdaan kuwii Xisbiyada isu soo dhaweeya ee Caddaalad ugu garsoora.
“Waxaannu aad iyo aad u soo dhawaynaynaa haddaannu WADDANI nahay Komishanka doorashooyinka Qaranka oo niman Masuuliyiin ah oo Qarankan aannu isleenahay ama ku rejo waynahay inay si caddaalad ah u hagi doonaan doorashooyinka iyo inta ka horraysaba, Xisbiyada Qarankana ay midayn doonaan oo ay si caddaalad ah u hagi doonaan, aad iyo aad baannu ugu kalsoonnahay, wax badan oo ka qaldani ma jiro. Laakiin, waxaannu dareemaynaa qaabka loo sameeyey hoggaanka, dareenkaa aannu ka qabnana waxaannu u gudbinaynaa Komishanka (Guddiga doorashada), wax kale oo dhib ahina ma jiraan.” Siaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment