
Gabadhan ayey gacanta ku dhigeen ciidamada illaalada xaduuda oo Baasaboorkeedii ka qaaday, waxaana xabsi ku yaal xaduuda lagu hayey muddo 24 saac ah.
Waxaa kadib goobtaasi tagay gabadh kale oo lagu magacaabo Maysa Al Camudi oo 33 sano jir ah, taasi oo cunto iyo cabitaan u waday gabadhii la xidhay. Balse ciidamada ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabay haweenaydan labaad oo iyadana lagu eedeeyey inay gaadhigeeda gacanteeda ku wadatay.
Dalka Sucuudiga ayaa waxa laga mamnuucay innay dumarku gaadhiga kaxaystaan, arrimo la Xidhiidha Xagga Diinta, waxana arrintaas halgan ka dhan ah ku jira Haween tiro badan oo doonaya in loo fasaxo waddista Gaadiidka oo ay u arkaan wax ay xaq u leeyihiin.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment