
Munaasibadda ayaa sidoo kale waxa barbar socotoay Xil-wareejinta Guddida, iyadoo Guddidii hore maanta wareejisay Masuuliyaddii Komishanka oo ay muddo badan soo hayeen.
Mucaaridka ayaa saluug ka muujiyey Hannaanka Doorashadu u dhacday, waxana ay muujiyeen in dhammaanba Xubnihii Hoggaanka ahaa ay wada qaateen Xubnihii Madaxtooyada iyo Guurtidu soo xuleen, balse ay labada xubnood ay markii dambe sheegeen inay ogolaadeen Habka doorashadu u dhacday.
Guddida ayaa Shalay lagu dhaariyay Madaxweynaha hortiisa, waxaana la filayaa inay ilaa bari u baxaan Tababar ku saabsan hab maamulka Doorashooyinka oo dalka Kenya loogu qabanayo, iyagoo intaasi dibna hawlahooda diyaarinta doorashada sanadka dambe guda gali doona.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment