Tuesday, December 9, 2014

Golaha Guurtida oo Dood Xasaasi ah ka yeeshay Xaaladda Dalka iyo Hadalladii Mudaneyaashu ka yidhaahdeen

Hargeysa, 09 Dec, 2014 (Himilo)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa dood adag ka yeeshay xaaladda Guud ee dalka oo ay ugu horeyso xoojinta nabadgelyada iyo sidoo loo xakamayn lahaa caqadaha waxyeellada u geysan kara ammaanka dalka.
Fadhi Golaha Guurtidu shalay yeesheen oo uu shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaas Siciid Cali, waxa ay mudaneyaashu wax wax iska weydiiyeen xaalada guud ee dalku ku sugan yahay arrinta ka soo yeedhay mid ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal oo ku tiraabay weedho liddi ku ah dhismaha dawladnimada Somaliland.
guurtiMudaneyaashu waxa ay si adag uga hadleen isla markaana xukuumadda iyo hay’adaha garsoorka ku guubaabiyeen fulinta xukunnada dilka ah oo ay sheegeen inay ka midnoqon karaan caqabado halis gelin kara xasiloonida dalka, waxaanay bulshada Somalind ugu baaqeen inay ilaashaan nabadgelyadooda.
Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah mudaneyaashii doodda Golaha ka qayb-galay, ayaa soo jeediyey in loo hoggaansamo kitaabka Qur’aanka Kariimka ah isla markaana la fuliyo waajibaadka uu farayo umadda Muslimiinta ah, waxaanu yidhi, “Illaahay wuxuu yidhi, ‘Noloshiinnaa ku jirta dilka aad dilaysaan qofka wax dilay’. Waxaan soo jeedinayaa in dadka lagu fuliyo waxa Illaahay ku xukumay, Madaxweynuhuna saxeexay, hala fuliyaan leeyahay.”
Xildhibaan Cawil Cabdilaahi Caydiid oo isaguna doodda la wareegay, ayaa soo jeediyey in golaha guurtida iyo hay’adaha Waxbarshadu dalku ka qayb-qaataan sidii bulshada loogu baraarujin lahaa dhibaatooyinkii dalka ka soo gaadhay iyo khasaaraha ay leedahay nabad-gelyo-darradu.
“Dadkii hore ee Colaadda soo arkay, qof waliba marka uu nabadgelyo-xumo arko, jiidhkaa dambaqanayey, markaa waxaan waano ku soo jeedinayaa, innaguna ay wacyi-gelin ka samayno, dadkan dhibaatadii iyo nabadgel-darradu waxa leedahay, waar jaamacadaha iyo Iskuulada halagu dhigo oo umadda halagu wacyi-geliyo,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan-Shaadh.
Sidoo kale, Xildhibaan Ibrahim oo isaguna doodda ka qayb-qaatay, ayaa shacabka Somaliland kula taliyey, “Dadweynaha Somaliland waxaan u soo jeedinayaa inay nabadgelyadooda ilaashadaan oo shacbigu ka noqdaan ciidamo habeen iyo dharaar u soo jeeda si aanay nabadgelyadeennu u xumaanin oo xuduudaha laga soo galayo la eego wax ka socda oo cidda ay khuseysana loo sheego,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim.
Xildhibaannada kale ee doodda kulankii shalay ka qayb-qaatay, ayaa dhammaantood soo qaaday muhiimadda nabadgelyadu u leedahay dalka, waxaanay shacbiga Somaliland ku guubaabiyeen inay meel uga soo wada-jeestaan cid kasta oo khal-khal nabadgelyo-darro ka geysanaysa dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment