Tuesday, December 9, 2014

Muran iyo Jaho-wareer ka taagan Diyaarad Hub sidday oo lagu xayiray Nigeria iyo Shakiga dawlado sheegtay

Kano, 09 Dec, 2014 (Himilo)- Dawladda Ruushka, ayaa sheegtay inay iyadu leedahay diyaarad hub wadday oo lagu qabtay magaalada Kano ee dalka Nigeria, inkasta oo ay hore u sheegtay in diyaaraddaasi aanay lahayn.
bobeSarkaal ka tirsan Safaaradda Ruushka ee dalka Nigeria, ayaa sheegay in diyaaraddaas uu Ruushku leeyahay, isla markaana ay hub u wadday Ciidammada nabad-ilaalinta ee Faransiiska ee jooga dalka Chad oo ay deris yihiin waddanka Nigeria. Diyaaradda ayaa weli ku xayiran garoonka diyaaradaha magaalada Kano ee waddanka Nigeria, waxaana jira shaki weyn oo laga muujinayo halka ay diyaaraddu u socotay iyo cidda iska leh hubka saaran.
Arrimaha la is weydiinayo waxaa ka mid ah sababta uu Faransiisku u isticmaalayo diyaarad Ruush-ku uu leeyahay waa haddii uu jiro warka sheegaya in hubka loo waday Ciidammada Faransiiska?. Sidoo kale waxa shaki laga muujinayaa sababta diyaaraddu ay u martay magaalada Kano ee dalka Nigeria.
Dalka Nigeria waxaa saaran cunaqabatayn xagga hubka ah. Dawladda dalkaasina waxay dagaal kula jirtaa kooxda Boko Xaraam oo illaa hadda haysata in ka badan 200 oo Gabdhood oo ay Iskuul Boodhan ah ka afduubteen. Magaalada Kano ee diyaarada lagu hayo dhowaan waxa aka dhacay qarax ismiidaamin ah oo qof naftiisa huray uu misaajid ku dilay dad ka badan 100 qof.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment