
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan oo xadhig-ka-jarista dhismaha ee madaxweyne ku-xigeenka ka dib munaasibad loo sameeyey furitaanka Dhismaha dabaqa ah ka hadashay, ayaa hay’adda USIAD uga mahadceliysay hirgelinta dhismaha dabaqa ah ee loo yagleeyey wasaaradda Waxbarashada oo hawsha dhismihiisu muddo sannad ah socotay.
“Waxaanu aad ugu faraxsannahay uguna mahad-naqaynaa USAID iyo hay’adda MercyCorps si fiican ee tayada leh ee ay noogala shaqeeyaan waxbarashada hadday tahay dhalinyarada waxyabaaha ay u baahan yihiin, Dugsiyada iyo taboborrada macalimiinta, meel kasta oo aanu ka shaqayno qaybtooda ayay ka qaataan,” ayay tidhi Marwo Samsam.
Wasiirka Waxbarashada oo hadalkeeda sii wadatay waxa ay tidhi, “Waxaanu jecelnahay xidhiidhkani inuu intan ka sii ballaadho, waxabarashaduna waxay diyaar u tahay waxyaabaha ay nala qabtaan inaanu ka faa’idaysanno oo hadday tahay Hal doolar aanu meel khalad ah gelin ee uu galo meeshii saxa ahayd oo ardaydeennu ka faa’idaysato.”
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa ka marag kacay wax-qabad iyo horumarin ay hay’adda USAID ka samaysay hay’adaha dawladda dhowrkii sanno ee u dambeeyey, waxaanu sheegay inay ka mid tahay hay’adaha ugu waxtarka badan dhinacyada maamulka iyo dhismaha xarunta dawladda ee u adeega bulshada.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment