Tuesday, December 9, 2014

Guddigii hore ee Doorashooyinka oo Komishanka Cusub ku wareejiyey Deyn laba Dawladood kala Dhaxleen

Hargeysa, 09 Dec, 2014 (Himilo)- Guddiga Cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay Guddigii hore ee doorashooyinka oo muddo shan sanno ah xilkaas soo hayay, ka dib markii guddiga Cusub maalintii Axadda ee todobaadkan madaxweynaha hortiisa lagu dhaariyey.
Munaasibadda xil-wareejinta Komishanka oo shalay ku qabsoontay Xarunta Guddiga Doorashooyinka, waxa goob-joog ka ahaa Axsaabta siyaasadda iyo ururrada bulshada Rayidka, waxaana ka hor intii aanay Guddiga Cusub ee Doorashooyinka dooran hoggaankooda madasha ka hadlay Guddigii hore oo sheegay inay guddiga cusub ku wareejiyaan nidaam maamul oo dhisan.
baxdWaxa munaasibadda goob-joog ka ahaa Afar Xubnood oo ka mid ah todobadii xubnood ee guddigii hore oo uu ku jiro Xubin dib u soo noqotay oo ka tirsan Guddiga Cusub, kuwaas oo kala ah; Guddoomiyaha Komishankii hore Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil, Faarax Abiib Aadan iyo Cabdifataax Ibraahim Xasan oo isaga dib loo soo magacaabay kana tirsan guddiga Cusub.
Haseyeeshee, waxa madasha xil-wareejinta shalay ka maqnaa saddex-xubnood oo guddigii hore ka mid ah, kuwaas oo kala ah Guddoomiyihii hore ee guddigaas Eng Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) iyo Raabi Cabdi Maxamed oo labadoodaba la sheegay inay safar dibadda ah ku maqan yihiin iyo Guddoomiye ku-xigeenkii Komishanka Cali-Khadar Xasan Cismaan oo isaguna dhawaan ku biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Agaasimaha Komishanka Doorashooyinka Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf oo loo igmaday inuu madasha xil-wareejinta si guud mar ah uga akhriyo dokumentiyada xil-wareejinta oo xambaarsanaa Agabka iyo hantida Xubnaha Cusub lagu wareejinayey, waxa uu halkaas ka sheegay inaanay jirin wax deyn oo Guddiga xilka wareejinaysaa ka tagayaan marka laga reebo Adduun gaadhay 18 Milyan Shilinka Somaliland ah oo uu ku magacaabay Shidaal la isticmaalay bishii September ee sannadkan oo ah bishii ka horeysay wakhtigii uu dhammaaday muddo-xileedka Guddigii hore oo ku ekaa 29-kii bisha October ee sannadkan.
Agaasimuhu waxa uu goobta ka sheegay inuu guddiga cusub ku wareejinayo 35 shaqaalaha rasmi ah ee Guddiga Doorashooyinka ka hawl-gala, 15 baabuur oo saddex kali ahi shaqaynayaan, inta kalena ay cilladaysan yihiin isla markaana iska dhex-yaallaan xarunta Guddiga doorashooyinka.
Agaasimaha oo sharraxayay xisaabaadka Gudiga doorashooyinka iyo deymo lagu leeyahay, waxa uu yidhi, “Xisaabaadka Komishanka Doorashooyinku waa Lix Akownt, laba Dahabshiil ah iyo Afar Somaliland Shilin ah. Nasiib-wanaag, marka ay hay’aduhu xilka wareejinayaan waxa laga yaabaa inay Daymo ka tagaan. Komishanka doorashooyinku wax Dayn ah oo haba-yaraatee uu ka tagayaa ma jirto bil shidaalka September mooyaane, bishaas oo ah 18 Milyan. Biilashada immika yaallaana waa bilashii loogu talo-galay saddex biloodkan dambe ee afraad ee ka bilaabmay Oktoobar ilaa December oo kharashkoodu aanu wali soo gaadhin komishanka.”
Agaasimaha Komishanka Doorashooyinku waxa uu sheegay in waxyaabaha ay wareejinayaan ay ka mid yihiin Xogta iyo Macluumaadka doorashooyinkii iyo Diiwaangelinihii ka dhacay dalka oo ay ku jiraan Xogta laba Doorasho oo Guddiga Xilka wareejisay dalka ka qabteen. Waxaaybaha kale ee guddiga Cusub lagu wareejiyey, ayuu Agaasimuhu ku sheegay inay ka mid yihiin Keydka documentiyo ka hadlaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha wixii ka dambeeyye doorashadii goleyaasha Deegaanka ee sannadkii 2012-dii ka qabsoontay dalka, kuwaas oo ka kooban waraaqo ay is-weydaarsadeen iyo heshiisyada ku saabsan diiwaangelinta codbixiyeyasha oo dhexmaray xisbiyada Siyaasadda, Xukuumadda, Guddiga Doorashooyinka iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha dhaqaalaha ku bixiya Doorahooyinka.
Guddigii hore ee Doorashooyinku waxa uu Guddiga Cusub ku wareejiyey Deyn tiro badan oo ay katageen Guddigii Doorashooyinka ee Xubnaha xilka tiriyey ka horreeyey, kuwaas oo dabayaaqadii 2008-dii is-casilay markii ay muddo laba sanno xilka hayeen.
“Waxay Komishanku ii eegmadeen inaan sheego, Sannadkii 2008-dii Guddigii Doorashooyinka ee xilligaas joogay ee labada sanno shaqaynayey, deyn ay ka tageen oo dhammaan Somaliland oo dhami leedahay. Deyntaasi waa deyn aad u badan, komishankuna markii ay xilka la wareegayeen lama ay wareejin, laakiin way ka hawl-galeen sidii lagu heli lahaa,” sidaa waxa yidhi Agaasimaha Komishanka oo ka hadlayey deynta.
Sidoo kale, waxa Deyntan oo aan caddadkeeda la shaacin ka hadlay Cabdiraxmaan Dixood oo xubnaha xilka tiriyey ka tirsan, waxaanu yidhi, “Annagu markaanu la wareegaynay (Xilka) waanu diidnay waxaanu nidhi bahashaas mad-madow badan baa ka muuqdee ma qaadanayno, waxa la wareegay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale, hanta-dhowr baa loo diray, waa la baadhay, annaguna intii waanu daba-soconnay, waayo umaddii lahayd waxay garanaynayaan Komishanbaa naga qaatay, waxay ku soo wareegtay dawladda Cusub ee madaxweyne Siilaanyo, waanu kala hadalnay, hanti-dhowrbaa loo diray, waa la soo baadhay, lacagta intii la ogolaaday inay wax leeyihiin waa intaas (isaga oo kor u taagaya dokumentiga), annaguna tiraba saddex miisaaniyadood ayaanu ku darnay oo aanu nidhi umaddii lahayd hala siiyo, may suurta-galin, hawshaasina maaha hawl idiin taala ee waxa weeyi inaad dadka u daba-gashaan, xil kale oo idinka saarani ma jiro.”
Cabdiraxmaan Dixood waxa kale oo uu ka warbixiyey marxaladihii guddi ahaan ka soo waajahay muddada shanta sanno ee ay xilka hayeen, waxaanu xisbiyada siyaasadda iyo Akeedamiyadda Nabadda iyo Horumarinta uga mahad-naqay doorkii ay ka soo qaateen inay ku guulaystaan laba doorasho oo ay dalka ka qabteen iyo isku-dubba-ridka Diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee sannadkii 2008-ddii laga qabtay dalka.
Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), ayaa sheegay inay guddigoodu wax-qabad la taaban karo ka samaysay horumarinta hawsha Komishanku u hayo qaranka isla markaana ay guddiga cusub ku wareejinayaan hay’ad dawladeed dhinac walba kadhisan oo dhammaan xidhiidhadii ka dhexeeyay dhinacyada doorashooyinka Somaliland iyo mashruuca hirgelinta diiwaangelinta Codbixiyeyaashu diyaar u yihiin, waxaanu halkaas dar-daaran uga jeediyey masuuliyiinta cusub ee hawsha doorashooyinka xilkeeda la wareegay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment