Sunday, December 7, 2014

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wefti Ka Socda Dalka Maraykanka

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dalka maraykanka oo ay hogaaminayso ku xigeenka hay'ada horumarka Maraykanka ee loo yaqaan USAID, Miss Etim Linda, iyo Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia.
Kulanka madaxweynaha waxa ku wehelinayey xubno ka tirsan xukuumadiisa oo kala ah
1. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
2. Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Maxamed Biixi Yoonis
3. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire
4. Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
5. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Mudane Cali Axmed Cali
Kulankan madaxweynuhu la yeeshay Weftiga waxa ka war bixiyey Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Somalia sidoo kale waxa iyana ujeedada Socdaalkeeda faahfaahin ka bixisay Haweenayda Hogaaminaysay weftigan.
Halkan ka dhegayso

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/12/Codka-Kulanka-Weftiga-USAID.mp3"][/audio]

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

[gallery ids="12148,12153,12152,12151,12150,12149"]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment