Sunday, December 7, 2014

Dawladda Nigeria Oo Gacanta Ku Dhigtay Diyaarad Hub Sidday Iyo Faahfaahinta Cidda ay u Socotay

Lagos:Dec,07,2014(Himilo)-Ciidamada waddanka Nigeria, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Diyaar sidday Shixnad Hub ah oo ku socotay dalka Chad.

lebWararka ayaa sheegaya in diyaaraddani xamuulka ah ay ka soo duushay magaalada Bangui ee dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, isla-markaana ay doonaysay inay kusii nasato dalka Nigeria oo ah halka haatan lagu qabtay.

Diyaaradda ayaa waxaa ilaa haatan lagu hayaa garoonka caalamiga ah ee Kano, waxaana soconaya baadhitaanno dheeraad ah, waxana saraakiisha ammaanka waddakaasi sheegayaan in diyaaraddani ay sidday diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikobtarada loo yaqaano, baabuur kuwa milatariga ah oo nooca jiibta ah, sanduuq bir ka sameysan iyo ilaa lix sanduuq oo kale oo rasaas ah.

Diyaaradda ayaa haatan lagu hayaa garoonkaasi diyaaradaha ee magaalada Kano si baadhitaan dheeraad ah loogu sameeyo basle laamaha ammaanka ilaa iyo haatan kama aysan hadlin xaaladda ay ku sugan yihiin shaqaalihii diyaaraddaasi.

Diyaaradda ayaa gacanta lagu dhigay kaddib markii ay ku degtay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi Kano si ay halkaasi shidaal uga qaadato, waxaana la rumeysan yahay in diyaaraddaasi laga leeyahay dalka Ruushka.

Dadka qaar ayaa dareensan in hubkani loo wadahay kooxda Boko Xaraam ee ka hawlgasha woqooyi Bari Nigeria gaar ahaanna deegaanada u dhow xudduudda dalka Chad.

In kabadan boqol qof ayaa usbuucii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Kano kaddib markii dad isa soo miidaamiyay ay isku qarxiyeen masaajid.

Warka ku saabsan diyaaraddani ayaa cabsi ka abuuray gudaha magaaladaasi Kano oo weli ka soo kabanaysa weerarkaasi lagu qaaday masaajidka.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment