Thursday, February 12, 2015

Boqollaal Tahriibe oo Doonyo kula degay Badda Talyaaniga iyo Baraf halisa u dhintay

Tirada la badbaadiyey iyo inta la baadi-goobayo

Lampedusa, 12 Feb, 2015 (Himilo)- Hay'adda qaxoontiga Adduunka u qaabbilsan Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UNHC, ayaa sheegtey in hadda loo maleynayo in ka badan 200 oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen Badda Meditaraniyanka Maalmihii la soo dhaafay iyagoo isku dayay inay ka gudbaan Badda.
Afhayeen u hadashay Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arrimaha qaxoontiga ee Talyaaniga ayaa xaqiijisay geerida 203 qof oo ay sheegtay in ay kala saarnayeen laba Doonyood oo toddobaadkan ku degay Badda, inkasta oo aan weli la kala xaqiijin dalalka ay dhammaan dadkaasi u kala dhasheen.
ITALY-IMMIGRATIONTAHRIIBAYAAL LAGU BADBAADIYEY TALYAANIGADadkan ayaa la waayey Salaasadii dorraad, waxaana markii dambe Meydadkooda soo helay Ciidammada Badda Talyaaniga, isla markaana soo badbaadiyey toddobo qof oo keliya oo ka mid ahaa labada boqol iyo saddexda ruux ee labada Doonyood kala saarnaa. Hay’adda UNHCR ee Qaramada Midoobay, ayaa wareysatay dadkii ka soo badbaaday Badda oo ay soo qaadeen ilaalada Xeebaha Taylaanigu, iyagoo Biyaha Badda dul-sabbeynaya.
Isniintii lasoo dhaafay ee toddobaadkan, ayaa 29-qof tahriibayaal u dhintay dhaxan iyo qabow kadib markii doontii ay la socdeen ku cilowday isla xeebaha Talyaaniga.
Bishii November ayey Talyaanigu joojiyeen hawlgal sannad ahaa oo lagu badbaadinayay Muhaajiriinta Badda ku safraya.
Hay'adda qaxoontiga UNCHR, ayaa ka digtay in go'aankaasi uu keenayo dhimasho badan. Weriye BBC-da ka tirsan, ayaa sheegay in ugu yaraan rubuc kuwa khatarta u galaya inay Badda ka gudbaan aanay ahayn aheyn Muhaajiiriin dhaqaale-doon ah, balse ay yihiin kuwo ka tagaya dalka dagaalladu ka socdaan ee Suuriya.
Sannadkii dhamaaday ee 2014, waxaa Xeebaha Talyaaniga ku geeriyooday dad ku dhaw 3,500 (Saddex Malyan iyo Shan Boqol) oo qof oo ay Soomaaliyi ku jirto, kuwaasoo rabay in Qaaradda Yurub galaan si ay nolol ka roon ta ay dalalkooda ku haysteen u raadiyaan ama uga helaan waddamada Yurub ee socdaalkoodu ku jahaysan yahay, iyada oo weliba dhimashada 2014-kii ay ka sii badnayd tirada dadka Muhaajiriinta ah ee sannadkii 2013-kii ku naf-waayey Xeebaha Talyaaniga iyo Liibiya.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment