Washington, 18 Feb, 2015-(Himilo)- Garyaqaanka Guud ee dalka Maraykanka, ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda Soomaaliya diidday inay yeeshaan Xasaanad ay kaga baaqsadaan Dacwada Xasuuqa ee loo haysto Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ahaana Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumaddii Millateriga ahayd ee Soomaaliya General Maxamed Cali Samatar, sida lagu xaqiijiyey baadhitaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanku samaysay.

Garyaqaanka guud, ayaa qoraalkiisa ku sheegay in 23-bishii December 2014, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanku u dirtay Warqad Xukuumadda Soomaaliya ay kaga xaqiijinayso inaanay diiddanayn Dacwadaha loo haysto Cali Samatar, isla markaana u dalbanayn wax Xasaanad ah, haddii mawqifkaa wax ka beddelan aad qabtaanna jawaab ka soo bixisaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, ayaa sheegtay inay ku ogaatay mawqifka diidmada Xukuumadda Soomaaliya ee la xidhiidha xasaanad ay kaga badbaadaan Dacwadaha looga haysto dalka Maraykanka, kulan dhexmaray Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Cismaan Cilmi Guuleed oo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, 22 April 2014, awood ugu siiyey qoraal in lagala xidhiidho dhammaan wixii ku saabsan Xasaanad shaqsi loo dalbo.
Kulan dhex-maray Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Cismaan Cilmi, 25 bishii July 2014, ayuu ku xaqiijiyey inaanay jirin wax Xasaanad ah oo Xukuumadda Soomaaliya u dalbanayso in Maraykanku siiyo eedeysanayaasha Maxamed Cali Samatar iyo Yuusuf Cabdi Cali oo ka badbaadiya Dacwadaha Xasuuqa ee loo haysto.
Si loo sii xaqiijiyo in Soomaaliya diiddan tahay Xasaanad la siiyo Maxamed Cali Samatar iyo Yuusuf Cabdi Cali, isla markaana mawqifkoodu sidaa yahay, waxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanku u dirtay qoraal 23 January 2015, ay kaga dalbanayso inay soo caddeeyaan haddii ay wax ka qabto arrinkaas Xukuumadda Soomaaliya, balse wax jawaab ah kama soo noqon Soomaaliya, maaddaama oo ay Maxkamadda Sare ee Maraykanku soo weydiisay Xukuumadda mawqifkeeda la xidhiidha Xasaanad uu soo dalbaday Maxamed Cali Samatar.
Maxamed Cali Samarat Dacwado la xidhiidha xasuuqii uu u geystay shacabka Somaliland sannadihii Siddeetamaadkii ayuu hore Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) bishii Feb 2013 iyo Raysal-wasaare Cabdi-weli Sh. Axmed Maxamed oo bishii March 2014, isugu deyeen inay ka badbaadiyaan, isla markaana uu u helo xasaanad uga dalbadeen Xukuumadda Maraykanka.
Hase-yeeshee, labadaas Raysal-wasaare midkoodna kuma guulaysan dalabkaas, ka dib markii labada nin-ba Baarlamaanka Soomaaliya cod kalsoonida lagaga noqday ay u qaadeen, isla markaana waayeen kalsoonida Baarlamaanka, markii uu khilaaf dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya, tallaabadaas oo Xukuumadda Somaliland iyo Ururrada Xuquuqda Aadamaha u dooda ee Somaliland ka jiraa-ba cambaareeyeen, kuna tilmaameen duudsi ay Soomaaliya kula kacayso Shacabka Somaliland ee la xasuuqay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment