Monday, February 23, 2015

NOLOSHUU KU DHINTAY-W/Q JIBRIL JIRDE ABDI

Haddii qalinka loo tudho wax-qoraalka laga tago lama taabbaggeli karo. TANAAD1972 _______ GAARRIYE.
Ayaan waliba Amuuraheeda leh, waa ayaan sawrac iyo sumad gooniya leh, way aragtayse isagu ma dhaadana oo tiisa ayaa mashquulisay oo wuxuu ka fikirayaa qaadka iyo sidii uu ku heli lahaa.
Iyadii lafteediina shaki ayaa galay, waa hebel iyo maaha laakiin ugu danbayn way garawsatay inuu isagii yahay, hayeeshee waxa badalay xanuunka, xumada iyo xiinka balwada, waayo waxaa uu ka fikirayaa uun sidii uu ku heli lahaa qaadka oo waxbarasho, dhawrid nafeed iyo xidhiidhin qaraabo way is daayeen.
Wax kale kuma garatide wuu bahaloobay oo aanad marnaba u soo soocayn inuu yahay hebelkaad waayo taqaanay ee anshaxa, asluubta, qadarinta iyo quruxdaba lahaa. Maxaa yeelay waayadii hore waa uu kobcayay, korayay oo kaalin galayay una dheerayd baarinimo iyo barbaar wanaagsan oo uu la barbaarayey lana wadaagayay barashada iyaga oo barri ka ahaa buuri iyo burburin adduunyaba. Maantase wax kastaa waa ay isbadaleen oo waa kaaf iyo kala dheeri waxaa ay kala noqdeen maalmuhu mugdi iyo cadaan kalena hibo iyo hoodo badan.
Inantii intay garwaaqsatay ka dib waxay is weydiinaysaa waxa sidan u qaatay ee u qalajiyay qaraddii,quruxdii iyo qotankii uu lahaa ee uu qayrkii kaga soocnaa. Markii ay waxoogaa talantay ayay isku qancisay inaanu fayoobayn sidii hore iyo si u dhawtoona aanu ahayn ee uu qayilo, qiijiyo oo haddana qaadiroodo. CAJAB! OO KAALAY MAXAA KU KELIFAY? MAXAA QAATAY? HABA CUNO’E WAA KAN RAGII OO DHAMI QUUDANAYO QAAR DUMARINA QARSANAYAANE, MAXAA ISAGA UUN QOLOF RIDAY? BAL HABAARKAN DAYA!
Iyada oo su`aalahaa isweydiinaysa oo kurbo ay is-hayn kari la ayay ka carartay meel baastii iyada oo ooyaysa oo ilmadu ay ka da`ayso dhabanadeeda, marka ay laba talaabo qaadana dib u soo qooraansanaysa. Dabadeed waxay soo jaleecdoba waa ay kala qarsoomeen waxay sii luudoba waxay gaadhay gurigii. Waxa ay isku dayaysaa inay is ilawsiiso dabuubta, dalanbaabiga iyo duruufta laakiin waxay ogaatay inaanay si dhibyar u dambabasi Karin duruufta la soo daristay ee ay degdeg u raadiso dariiqa saxda ah ee ay uga bixi karto.
Maxaa yeelay waxa ay doonaysaa in ay maskaxda ka tirtirto mid ka mida dhalintii ay soo wada dhaqnaayeen ahaana gayaankeedii ay ka sugaysay guur iyo guri_gal waara balse uu nolosha ku simbiririxooday oo guur uu guursado daaye aanu lafihiisa ka masuul noqon Karin oo geesigii isku badalay gocor gabbal dhac kasta galluuban meel aanu gashi mooyee shay kale ka soo hoynayn oo aanu tahli karayn inuu dulin iska dul afuufo.
Waxay iyada oo dirqi ku hadlaysa ay ku calaacalysaa inay ka samri karto hal qof balse EEBADDA xanuunka lihi ay tahay iyada oo hillinkaa habaaran dhalintu qaado oo hagardaamo mooyee shay kale soo hoyn waayaan. Milgaha iyo sharafta ummaddana ceebeeyaan oo ka dhigaan mid aan waxba qabsan Karin oo ka takooran ummaddaha kale ee facooda ah.
Waxay isku samirsiinaysaa inuu kaasi noqday MID NOLOSHA KU LEEDAY ama NOLOSHA KU DHINTAY. Waxaanay illaahay ka baryaysaa inuu inta kale ka salaamad yeelo isagana soo hadeeyo.
AAMIIN AAMIIN AAMIIN

W/Q: JIBRIL JIRDE ABDI
JIRDE40@GMAIL.COM
KULIYADA SHARCIGA JAMACADA HARGEYSA
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment