Ciidamadan oo gaadhaya 4800 askari ayuu militariga Talyaaniga sheegay inay illaalo ka qaban doonaan xarumaha muhiima ah ee dowlada Talyaaniga, Safaaradaha, Iskuulada Yuhuuda iyo goobo kale si ay uga hortagaan weeraro argagaxiso oo ka dhaca gudaha wadankaasi.Go’aankan ayaa waxaa Salaasadii shalay shaacisay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga.
Dalalka Yurub ayaa walaac weyn ka qaba weerarada argagaxisada ee lamid ah kuwii ka dhacay Paris iyo Kobenhagen, waxana soo badanaya warwarka laga qabo in islaamiyiin cadhaysani weerarro qorshaysan ku qaadaan xarumaha ay leeyihiin Dadka yuhuudda ah ee dalalkooda ku nooli.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment