Saturday, February 21, 2015

Khasaaraha uu geystay Weerar lala beegsaday Hotel ay Muqdisho kaga nool yihiin Shakhsiyaadka u dhashay Somaliland iyo Tirada Dhimashada oo korodhay

Magacyada Dhalinyaro Reer Somaliland oo dhimasho iyo Dhaawac ka soo gaadhay

Muqdisho, 21 Feb, 2015 (Himilo)- Weerarro Is-miidaamin ah oo masuuliyaddiisa ay sheegatay kooxda Al-Shabaab, ayaa shalay lala beegsaday Hotel lagu magacaabo Central oo ku yaala deegaan ammaankiisa aad lo ilaaliyo oo ku yaala agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
In kasta oo markii weerarku dhacay tirada dhimashada lagu sheegay dhowr iyo toban qof, haddana waxa xilliyadii dambe ee xalay ku geeriyooday cusbitaallada Muqdisho dad badan oo dhaawacyadoodu halis ahaayeen, kuwaas oo badankoodu yihiin dad shacab ah.
Weerarkan waxa ku dhaawacmay raysalwasaare ku-xigeenka dawladda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan dawladda Soomaliya, haseyeeshee waxa uu khasaaraha ugu badani soo gaadhay dad shacab ah oo isugu jira qurbejoog iyo shaqaale u badan hay’adaha Caalamiga ah oo Hoteelka ku sugnaa.
Wararkii u dambeeyey ee xalay aanu ka helnay magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in tirada dhimashadu gaadhay 24-qof oo intooda yihiin dad shacab ah halka halka tirada dhaawacuna kor u dhaaftay 50 qof.
Qaabka Weerarku u dhacay
Sida ay xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah oo ku sugnaa Hotelka, waxa goobta lala beegsaday laba qarax oo kala dambeeyey, kuwaas oo labadooda laga fuliyey gudaha Hoteelka. Qaraxa hore ayaa la sheegay inay fulisay haweenay ku sugnayd gudaha hotelka oo walxaha qarxa isku soo rakibtay, taas oo la sheegay inay ka mid ahayd shaqaalaha Hoteelka. Haweenayda ayaa la sheegay inay isku-qarxisa xilli ay dadka Hoteelka deggenaa ka soo baxayeen Salaaddii Jimce oo ay ku tukanayeen masaajid ku yaala gudaha Xayndaabka Hoteelku ku yaallo.
Qaraxa labaad, ayaa loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo si xoog ah looga geliyey Kedinka hore ee Hoteelka, kaas oo markii gudaha loo geliyey la qarxiyey xilli ay dadku ka kala yaaceen qaraxa hore. Wararku waxa ay intaas ku dareen in qaraxa gaadhiga loo adeegsaday uu sababay inta badan khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaadhay dadka ku sugnaa madaarka.
Khasaaraha dhimashada iyo Dhaawaca masuuliyiinta Dawladda Soomaaliya
Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Amniga ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Xubno isugu jira kuwa Maamulka gobolka Banaadir iyo Xildhibaanno ay ku dhinteen Weerarradaas, kuwaas oo uu ka magacaabay Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin maamulka gobolka Banaadir ah, kuwaas oo uu ka magacaabay Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Cumar-Furdug), Xildhibaan Maxamed Ducaale Muuse (Xaaji-Kafee) iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii dhanka Siyaasadda ee Maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Guuleed (Caano-Geel).
Xildhibaanka geeriyooday ee Xaaji Kafe, ayaa la sheegay inuu beddelay Xildhibaan Saado Cali Warsame oo 25-kii bishii Ramadaan ee sannadkii hore ay Koox Al-Shabaab ka tirsani ku toogteen meel ku dhaw Hoteel ay deggenayd.
Waxaa kale ka mid ahaa Masuuliyiintii ku geeriyooday Qaraxyadan laba Masuul oo ka tirsanaa Xukuumadda Soomaaliya, kuwasoo kala ahaa; Cabdi Khaliif Baadiyow oo ahaa La-taliyaha Raysal-wasaare Ku-xigeen Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte iyo Maxamed Cilmi oo ka tirsanaa Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya. iyo siyaasi xilal ka soo qabtay maamul-goboleedka Puntland ahaana qoraa caan ah oo buugaag badan Qoray oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Mire.
Waxa kale oo weerarka dhaawacyo ka soo gaadheen masuuliyiin ay ka mid yihiin Raysal-wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, ahna Ku-simaha Raysal-wasaaraha Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Cali Jaamac (Jangeli) iyo Wasiirka Dekedaha Soomaliya Nuur Faarax, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo cusbitaallada Muqdisho.
Dhismashada iyo Dhaawaca Dadka Shacabka ah
Hotelka CENTRAL oo ku yaala badhtamaha magaalada Muqdisho una dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, ayaa la sheegay inuu xarun u yahay isla markaana ay magaalada kaga degaan Dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee u shaqeeya hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa u shaqo tagay dawladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in Hoteelka laftiisa ay leeyihiin laba ganacsade oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.
Sida ay noo xaqiijiyeen warar aanu ka helnay magaalad Muqdisho, khasaaraha dhaawacyada iyo dhimashada soo gaadhay dadka Shacabka ah ee Hoteelka ku sugnaa, ayaa intooda badani ka soo jeedaan deegaannada kala duwan ee Somaliland, iyada oo la sheegay inay ku jiraan dhalinyaro u shaqaynayey hay’ado Caalami ah oo qaarkood ka hawl-galaan gudaha Somaliland.
Sida ay Himilo u xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Muqdisho, in kasta oo ay badan tahay tirada dadka u dhashay Somaliland ee weerarka ku geeriyooday, isla markaana tirada dhaawaca lagu sheegay inay gaadhayso in ka badna 30 qof, haddana waxa noo suurta-gashay inaanu helno in dadka geeriyooday uu ku jiro Alle ha u naxariistee nin dhalinyaro ah oo magaciisa lanoogu sheegay Cabdixakiid Maxamuud Cumar oo u shaqaynayey hay’ad caalami ah oo ka hawl-gasha gudaha Muqdisho.
Dadka dhaawacyadu ka soo gaadheen weerarka ee ku sugnaa hotelka, waxa ka mid ah Cabdishakuur Xasan-Keyd Cabdi iyo Cumar Maxamed Cumar Usteeliya oo labadoodu ah dhalinyaro Somaliland u dhalatay oo dhawaan gaadhay magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee khasaaraha ugu badan ka soo gaadhay Jaaliyadda Somaliland u dhalatay ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo sidoo kale lala bar-tilmaameedsado meherad ay leeyihiin shakhsiyaad reer Somaliland.
Gunaanad
Weerarkan oo masuuliyaddiisa ay sheegay Kooxda Al-Shabaab , ayaa ku soo beegmay xilli la filayo inuu maanta Muqdisho tago Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dalkiisu ka mid yahay waddamada Ciidammada AMISOM ka joogaan Soomaaliya. Waxaanay kooxda Al-Shabaab weerarkan ay masuuliyaddiisa sheegteen ku tilmaameen hawl-gal ay fuliyeen dagaalyahannadoodu oo guulaystay, isla markaana waxay ku hanjabeen inay ugaadhsan doonaan Masuuliyiinta Golayaasha dawladda iyo Shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala Hay’adaha dawladda dalkaasi Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment