Tuesday, February 24, 2015

Goonni-goosata Ruushku Taageero Ee Dagaalka Kula Jira Ukrain Oo Dabaaldeg Sameeyey

Donesk:Feb,24,2015(Himilo)-Quwadaha Ruushku Taageero eek a dagaallama Bariga Dalka Ukrain, ayaa sameeyey Dagaal-deg ay ku xusayeen Guul ay sheegeen inay kasoo hooyeen Ciidanka Ukrain.

raaruXoogagan oo Dhawaan Siwayn ugu Gacan Saydhay Go,aankii Xabad Joojinta ee Bishan 12 keedii Lagu Gaadhay Dalka Belerus , ayaa Dhanka kale ku Eedeeyay Ciidamada Dawlada Ukraine in ay Sabab u yihiin Diidmadooda ku Sahabsan Xabad Joojinta .

Dawlada Ukraine ayaa Ciidamadeeda kala soo Baxday Goobaha Safka hore ee Dagaalka Kadib Dagaal Xoogan oo Maalmihii la soo Dhaafay ku Dhexmaray labada dhinac Halkaasi .

Xoogaga Ruushku uu Taageero ayaa Sheegay in ay Laayeen Ciidamo aad u Badan oo ka Tirsan Militariga Dalkaasi Qaar kalena ay Gacanta ku Dhigeen Taasi oo Sida Muuqata labada Dhinac ay is dhaafsadeen naxaabiistii ay kukala Qabsadeen Dagaalka kadib Heshiis Dhex dhexaad ah oo ay isla gaadheen .

Dhanka kalena Dawladaha jarmalka iyo Faransiiska oo Dadaal ugu Jiray Daminta Xiisadan ayaa ilaa hada Waxba ayna uga Suura galin Marka laga Reebo Hanjabaada ay u Soo Jeediyeen Ruushka oo Sida ay sheegeen ay Saareen Xayiraad Dheeriya .

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment