Sunday, February 22, 2015

Wasiir Waran-cadde oo Mucaaradka ugu hanjabay in cidda awoodda dalka lihi tahay dawladda si kastoo doorashadu dib ugu dhacdo

Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay inay Xukuumaddu diyaarisay saddex qodob oo doorashada kaga soo hagaagay, Qaadhaan-bixiyeyaashuna aanay bixin lacagta laga rabo

Hargeysa, 22 Feb, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inuu u quus-geynayo Xisbiyada Mucaaradka ah ee maalmahan ku baaqayey haddii dib-u-dhac ku yimaaddo doorashada in la kala diro Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo isku mar muddadu ka dhammaanayso badhtamaha sannadkan, isla markaana la sameeyo Xukuumad dalka doorasho gaadhsiisa. Hase-yeeshee, waxa uu Waran-cadde ku dooday inan dawlad la soo doortay oo keliyi beddeli karto dawladda.
warancaddeWasiir Waran-cadde, waxa uu sheegay inaanay jirin wax ka qabyo ah dhinaca dawladda ee wixii laga sugayey ee kaga soo aaday doorashooyinka ay diyaarisay, balse ay Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ah ee Somaliland dhaqaalaha doorashada inta badan iyagu bixiya ay ku hadhsantay lacagtii lagu qaban lahaa doorashada iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sidaas ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Wasaaradda ee magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inta ka horraysa Xukuumad doorashada Shacabka ku timi in cidda awoodda sharciga ah lihi tahay keliya Xukuumadda hadda talada haysa ee Shacabku soo doortay, xataa haddii ay dib-u-dhacdo doorashadu intay doonto.
“Halkan waxaan ka caddaynayaa dawladda Somaliland qaybtii ku soo aaddanayd kharashka doorashooyinka inay Bajadka dawladda ee sannadkan 2015-ka ku jirto dhammaanteed, iyadoo wax ka dhimani aanay jirin, oo ay dawladdu si doorashadu wakhtigeeda ugu dhacdo ay diyaar-garaysay. Laba, waxaad ogtihiin Sharcigeennu inuu dhigayo in cid aan Somaliland ahayni doorasho dalka ka geli Karin, Xaqa Muwaaddinku leeyahay ee uu kaga duwan yahay ummadaha kale ee aynu jaarka nahay waxa weeye inuu qofku yahay reer Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha guduhu.
Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Mashruucaas oo ah Mashruuc aad u ballaadhan oo ay ku guulaysatay dawladda Somaliland inay hirgeliso oo shuruud ku ahaa qofka geliya doorashada ama wax ha doorto ama halla doortee inuu yahay reer Somaliland, taasina waa gabaabsi waxaanay dhammaanaysaa muddo dhaw inta ka horreysa wakhtiga doorashada loogu talo-galay.”
“Ta saddexaad, waxa weeye oo dawladda Xil-ka-saaran yahay inay samayso jewi nabadgelyo oo dadku ay u helaan si xor ah, iyagoon baqe ku jirin, iyadoo aan cidi cadaadinaynin inay doorashada si xor ah oo xalaal ah ay u galaan, dhammaan saddexdaas arrimood oo ah qaybta kaga soo hagaagtay doorashada dawladda dhexe ee Somaliland, waxa muuqata in saddexdii arrimood-ba dawladdu ka faraxalatay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.
Wasiir Waran-cadde waxa uu sheegay inaanay Qaadhaan-bixiyeyaasha doorashooyinka ka caawiya Somaliland oo inta badan kharashka la qorsheeyey bixinayaa inaanay weli keenin lacagtaas, waxaanu yidhi; “D/Qaadhaan-bixiyeyaashu waxay kafaala-qaadeen inay bixiyaan dhammaan kharashka ku baxaya doorashada intiisa badan oo 70% (Boqolkiiba Toddobaatan) ama Boqolkiiba toddobaatan iyo shan ay bixiyaan kharashka guud ee ku baxaya diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha, waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha kale ee daneeyayaasha doorashada inay iyaguna sida ay dawladdu u dedaashay inay u dedaalaan si doorashadu ay wakhtigeedii u dhacdo.”
Mar uu Wasiirka arrimaha guduhu la hadlayey Shacabka reer Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka oo maalmahan baaqyo ka soo saarayey waxay ula muuqato in la yeelo haddii doorashadu dib u dhacdo, waxa uu yidhi; “Waxaan jeclahay in Shacabku uu ka digtoonaado cid kasta oo isku dayda iyagoo hamuun Kursi qaba inay nabadgelyadooda iyo degganaanshaha dalkani ku caano-maalay waxyeelleeyaan. Waxaan jecelahay Maanta inaan ugu quus-gooyo Mucaaradka, in dalkani leeyahay nidaam la iska soo dhaxlay, la isku beddelay oo ah dawlad Shacabku doortay oo ay kalsoonidooda siiyeen, wuxuun baa beddeli kara dawlad kale oo shacabku doortay oo ay kalsoonidooda siiyeen, inta ka horreysa waynu garanaynaa cidda awoodda leh.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment