
Afhayeenka wasaarada Arrimaha Dibada ayaa sheegtay in magacaabidan ay tahay mid taariikhi ah oo muujinaysa in dalka Soomaaliya uu ka baxay dagaalo iyo colaado in badan jiran, wuxuuna sheegay in ay qirayaan in hormar ka jiro Soomaaliya.
Katherine Dhanani ayaa ah khabiir dhanka arrimaha Afrika ah, waxaana muddooyinkii danbe ay ahayd safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Hindia iyo sidoo kale sanadihii ka horeeyey 2010-kii ka soo shaqaysay dalalka Zimbabwe 2007-2010 iyo dalka Gabon 2005-2007 waxayna shaqadeeda diblumaasi ka shasoo shaqaysay dalal badan oo ku yaala Africa.
Hadii aqalka Shuyuukhda ee maraykanku ansixiyaan Safiirkan loo magacaabay Soomaaliya Amb. Katherine ayey noqonerysaa Safiirkii u horeeyey ee si rasmi ah maraykanku ugu magacaabo Soomaaliya kadib markii ay ciidamadooda kala baxeen sanadkii 1993.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment