Tuesday, February 24, 2015

Mucaaradka iyo Madasha Wada-tashiga oo bilaabay kulamo ay sheegeen inay kaga tashanayaan Xukuumadda & Xaaladda dalka

“26/June/2015, wixii ka dambeeya shantii sannadood ee sharciga ahaa way idinka dhammaatay oo Sharci weeyaan. Markaa, wixii laga yeeli lahaa haddaad idinku wada-tashi diiddeen, kala tashi baa dhici doona.……” Jamaal Cali Xuseen

“….Waxay sheegeen iyaga qudhoodi in ay Waraaqo dheeraad ah oo intii sharciga ahayd ka baxsan ay qaybiyeen oo ay dawladda Somaliland siiyeen oo lagu galay doorashooyinkii dawladaha hoose, tii oo kale maanta inay dhacdo ninka u fadhiyaa waa nin dalka rogaya…” Xasan Guure Jaamac

Hargeysa, 24 Feb, 2015 (Himilo)- Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID, WADDANI iyo Siyaasiyiinta ku bohoobay Madashada Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, ayaa bilaabay kulamo ay sheegeen inay kaga arrinsanayaan xaaladda dalku wakhtigan marayo, marxaladda doorashooyinka, waxa xiga haddii dib u dhac ku yimaaddo doorashada iyo sidii aan dalka iyo dadku khalkhal siyaasadeed u galeen, waxaanay sheegeen inay soo saarayaan go’aamo ad-adag oo ka dhan ah qorshayaasha gurracan ee Xukuumaddu ku waajahayso doorashada iyo raadinta muddo-kordhin ay hesho.
mucaaradKulan ay albaabbadu u xidhnaayeen oo ay Isniintii shalay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ku wada yeesheen Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad iyo Siyaasiyiinta Madashu oo saacado qaatay ka dib, waxaa Warbaahintu wax ka weydiisay waxyaabaha ay ka wadahadlayeen, waxaana sharraxaad Saxaafadda siiyey Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac, Musharraxa Madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde.
Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Xasan Guure Jaamac oo kulanka ka hadlay, ayaa arrimaha Mucaaradka ay ka wada shirayeen sharraxaad ka bixiyey, waxaanu yidhi; “Maalmahanba waxaa jirtay is waraysi iyo wada-tashi laga leeyahay xaaladda waddanka, waynu Ognahay halkay marayso xaaladda dalku, Somaliland waxay ka kooban tahay Dhexda iyo Labada dacal. Waxaynu Ognahay labadii dacal waxa ka dhacaya. 4-tii sano ee dawladdani joogtayba Bariga dagaal baa ka socday, Galbeedkana dhawrkii Bilood ee inna dhaafay xaaladda ka taagan waynu ognahay, haddaan wax laga qabanna halkay ku biyo shubayso waynu ognahay.”
Guddoomiyaha Madasha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Qolyo Wasiirro ah oo istirin-tircinaya oo leh waxaas la qaban maayana waan arkayay, in waxaas la qabto iyo inaan la qaban waxay ku xidhan tahay in Xilkiina aad gudataan iyo inaydaan Gudan.waxaana muuqata inaad gudan waydeen.haddaa gudan waydeena in la idinku eegaa Umadda ayaa dambi galaysa oo Dambiga aad leedihiin ayaa la idin la galayaa.”
Xasan Guure waxa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii dalka doorasho uga dhici lahayd. “Labada Xisbi Mucaarad oo Sharci u leh inay doorashada ka qaybgalaan, Madasha oo iyadu aan doorkaasi lahayn, laakiin Og halka dalku marayo, waajibna ay ku tahay inay qaybtooda ka qaataan ayaa maalmahanba ka shirayay sidii wax looga qaban lahaa Xaaladda dalka, Sidii ay u dhici lahayd Doorasho Xor ah oo Xalaal ah oo Diwaangalintii leh oo Maxakamad la isla tego lahayn oo aynu ognahay Internet-ka waxa ku jira, oo ah in Shirkaddii waraaqaha innoo soo samaysay innu ku codaynay ee Ingiriiska ahayd waa la xidhay oo waxa lagu helay inay laaluush bixisay, waxay sheegeen iyaga qudhoodi in ay waraaqo dheeraad ah oo intii sharciga ahayd ka baxsan ay qaybiyeen oo ay dawladda siiyeen oo lagu galay doorashooyinkii dawladaha hoose, tii oo kale maanta inay dhacdo ninka u fadhiyaa waxa weeye nin raba dalka inuu baabbi’iyo oo uu rogo.” ayuu yidhi Xasan Guure. Waxaanu sheegay inay si dhaqso ah u soo saari doonaan go’aammada ay isla gaadhaan iyaga iyo Xisbiyada Mucaaradku markay dhammaystaan kulammada weli u socda.
Guddoomiye Xasan Guure, waxa uu ku dooday inaanay suuro-gal ahayn in la qabto Doorasho haddaan dalku lahayn Maxakamad u dhex ah tartameyaasha, caqabadna ay noqonayso in dalka oo darafyadiisa xaalad fiicani ka jirin in doorashada tabasho ka timaaddo, isla markaana la waayo Maxakamad lagu kalsoon yahay, maaddaama doorashadii 2012-ka dhalliilo badani hadheeyeen, ay ka dhalan karaan xiisado aan dalka iyo dadku toona u baahnayn.
Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure oo daba socday hadal uu Wasiirka arrimaha guduhu ku sheegtay haddii muddada Madaxtooyadu dhammaato iyo haddii kaleba illaa doorasho dhacdo cidda awoodda lihi ay tahay Xukuumadda talada haysa, waxaanu yidhi; “Waxaad mooddaa Waran-cadde inuu ku jawaabayo Maskaxdii Siyaad Barre ee uu ku barbaaray, Xukunka Ummaddaa leh ee isagu ma leh, isagu waa Shaqaale oo lama dooran. Isaga iyo Madaxtooyadu-ba kadinkay ka baxayaan markuu dhammaado xilkii ummaddu saartay ee ku ee kaa 26-ka June, waana inuu wakhtigaasi joogo Madaxweyne xilka lagu wareejiyo.”
“Haddii Madaxweynuhu dhammayn waayay Qorshihii Doorashada Dadkaa qabanaya ee dadku yaanay ka didin dawladdu way tegaysaa, cidda tegaysaa waa ciddii la doortay ee wakhtigu ka dhammaaday. Dawladdu waxay u qaybsan tahay Shaqaale Qaranka u shaqeeya iyo Goleyaal la doortay oo wakhti leh, xilligooda inay dhaaftana aanay ahayn.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Guure.
Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, oo ka hadlay waxay ka tashanayeen iyo qodobbo kale-ba, waxa uu yidhi; “Beryahan Xukuumadda ayaa isku laba rogaysay iyo Xisbiga KULMIYE oo maalin walba qof baa jawaabayey, waxaanad moodaysay runtii is-dhex-yaac badani inuu ka dhex-muuqday. Waynu ognahay oo arrimaha doorashooyinka waxa loo xil-saaray Guddiga doorashooyinka Qaranka, iyagaa ka hadlayaaya, arrimeheedana iyadaa u xil-saaran Guddigu. Laakiin, nimankan Wasiirrada ah ee shaqaalaha ah ee iyagu aan door ku lahayni inay maalin walba iyagu halkan soo istaagaan oo ay sharci cusub, xukun cusub iyo waxaan la garanayn ay dadka ku jaho-wareeriyaan, waa wax aan loo baahnayn. Taasna Madaxweynaha Gadh-wadeenka u ah baa laga sugayaa inuu aammusiiyo Wasiirradan doc-ka-yeedhka ah ee ka hadlaya arrimaha doorashooyinka.”
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sheegay in Sharciga dalka u yaallaa dhigayo in doorasho kasta diiwaangelin lagu galo ee aan la gelin doorasho bilaa diiwaangelin ah, waxaanu sheegay in doorashadii bilaa diiwaangelinta lagu galay ee Golayaasha Deegaanka Somaliland musuqmaasuq galay, dhibaatooyinna ka dhasheen, waxaanu yidhi; “Waad arkayseenoo waxay keenayaan oo ay leeyihiin doorasho bilaa diiwaangelin ah. Waar taas waannu soo aragnay! Haddaad eegto labadii doorasho ee ugu dambeeyey ee aynu galnay midna diiwaangelin bay lahayd, midna bilaa diiwaangelin, midi diiwaangelin bay lahayd oo tii uu Madaxweyne Kursiga ku fadhiistay bay ahayd, Siilaanyo isagaa u dagaallamayey oo diiddanaa in diiwaangelin la’aan doorasho lagu galo.”
“Midna tii dawladaha hoose ee uu sameeyey bay ahayd oo uu bilaa diiwaangelin ka dhigay marku xukunka qabtay. Haddaad eegto codka u dhexeeyey laba boqol oo kun buu ahaa, waad ogtihiin doorashada wixii ka dhacay. Shirkaddii soo daabacday Waraaqaha ee Ingiriiska ahayd waxa lagu xukumay wax-is-daba-marin, doorashooyinka halkay ka qabteenna ay ahayd Somaliland, xaqiiqdii fashilaaddaasi hadday dawladaha caalamka ku iman lahayd way is-casili lahayd, kuwanna weliba iyagaa indha-adayg la soo taagan.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal.
Waxaanu intaas ku sii daray Jamaal oo uu yidhi; “Waxaan leeyahay doorasho ayaannu doonaynaa oo diyaar u nahay, doorashaad ku fuusheen, doorashadii baa la idinka doonayaa inaad ummadda u qabataan, haddii aad qaban waydaan ummaddu way idin arkaysaa, waad ogtihiin dawlado badan oo xoog leh oo Shacabkoodu markay gedoodeen iska tegay, ha moodina inaad xukunka sii haysanaysaan oo xoog ku haysanaysaan, ummad baa idin dooratay, waxaana la idinka doonayaa inaad masuuliyaddiinna qaadataan.”
“Labada Xisbi Qaran (UCID iyo WADDANI) iyo Madashu waxay soo saari doonaan go’aanno adag, kuwaasoo ah qaar ku salaysan wacyiga jira iyo sidii dawladdu ay u samayn lahayd doorashada, 26-ka June 2015, wixii ka dambeeya shantii sannadood ee sharciga ahaa way idinka dhammaatay oo Sharci weeyaan. Markaa, wixii laga yeeli lahaa haddaad idinku wada-tashi iyo inaynu wada-tashanno aad diiddeen, kala tashi baa dhici doona.” Sidaa ayuu yidhi Musharrax Jamaal Cali Xuseen.
Sidoo kale, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde oo isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Madasha WADATASHIGA, Xisbiga UCID iyo Xisbiga WADDANI, waxaannu muddo dheer ka wadahadlaynay xaaladda dalka oo maanta maraysa meel aad iyo aad u cidhiidhi ah, sidii dalka looga badbaadin lahaa inaanu dhibaato gelin. Waxaannu maanta ka wadahadlaynay sidaas iyo sidii maanta dalku u badbaadi lahaa, dhibaatada dalka haysata oo ah Xukuumaddan maanta jirtana si hawl yar oo nabadgelyo ah looga wareejin lahaa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment