
Madaxweynaha ayaa Indho Indhayn uu ku sameeyay Qaybaha Madaarka kadib waxa uu ka qayb galay Munaasibad loo qabtay Xadhig ka jarista Madaarka Berbera oo si rasmi ah u shaqayn doona wixii hadda ka dambeeya.
Madaxweynaha ayaa Dawladda Kuwait uga mahadceliyay maalgalinta dib u dhiska lagu sameeyay Madaarka Berbera. waxa uu sheegay in baahi weyn loo qabay dib u dhista iyo casriyaynta Madaarka Berbera.
Sidoo kale waxa la filayaa inuu Madaxweynuhu booqan doono Dekedda Berbera oo dhawaanahanba warar soo baxayey sheegayaan in lagu wareejin doono Shirkado shisheeye inkastoo xukuumaddu arrintaas beenisay.
Safarka Madaxweynaha ayaa waxa ku wehelinaya Marwadiisa, Wasiirrada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Qorshaynta, waxana la filayaa inuu maalmo kooban qaadan doono.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment