
Kulankanka shalay dhexmaray guddiga Somaliland uga masuulka ah ka-qayb-galka wada-hadallada oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda, kaas oo warbaahintu debed-joog ka ahayd, waxa qodobbadii lagu lafo-guray faahfaahiyey, wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
“Guddiga ka masuulka ah wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, waa guddigii hore u tagi jirtay Turkiga. Markaanu u baxayno safarrada noocaas ah ee wakhtiguna nagu soo dhawaado, waxaanu ku dedaalnaa inaanu si fiican isu sii diyaarinno oo aanu ka-wada tashanno ajandaha iyo Arrimaha aanu ka wada-hadlayno, wada-hadalladii hore wixii ka soo baxay; wixii la fuliyey iyo wixii aan la fulin,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis oo la hadlay telefishanka Dawladda.
Maxamed Biixi waxa uu sheegay in guddigoodu u ballansan yahay kulan marlabaad ay isugu imanayaan maalinta Sabtida ee todobaadka dambe ka hor inta aanay u amba-bixin shirka wada-hadallada Soomaaliya, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Darafyo badna oo dawladda iyo shacabka ka tirsan, ayaanu la kulannay si aanu xog uga qaaddano. Maalintii dhawayd waxaanu la kulannay guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka, talooyin badan bay na siiyeen, waxaananu ballansannahay inaanu Sabtida mar kale isu nimaadno, si aanu hawshaa isugu diyaarinno,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment