Tuesday, February 24, 2015

Madaxweyne Silaanyo Oo Soo Kormeeray Dekeda Berbera Isla Markaana Mashaariic Cusub Xadhiga Ka Jaray Kuwo kalena Dhagax-Dhigay

Berber (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo oo maalintii labaad ku sugan magaalo-madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa soo kormeeray dekeda Berbera, oo ay ka socoto hawlmaalmeedkii caadiga ahaa iyo waliba hawsha balaadhinta dekeda.
Madaxweynaha ayaa ka qaybgalay xaflad aad u balaadhan oo loo sameeyey wejigii koowaad ee balaadhinta barxada weyn ee dekeda, nasiib wanaagse uu maanta oo taariikhdu tahay 24/02/2015 kuna beegan maalinta maalinteedii oo uu kormeer ku soo maray.
waxaana halkaasi warbixin ka siiyey madaxweynaha Maareeyaha Dekeda berbera Eng Cali Maxamed Cumar Xoor-xoor oo faahfaahin ka bixiyey wejigan labaadna cida kala shaqaynaysa oo ah Geelle A, oo ka kooban 400 oo nin balse 80 ka mid ah ay maanta shaqaynayaan, iyagoon kharash ka doonayn dekeda iyo maamulkeeda toona, waxaanu sheegay Maareeyuhu in muddo 2 billood gudahood ah ay ku dhamaystiri doonaan qaybtan labaad oo noqon doonta 3Higtar oo isugu jira shub iyo qurxin.
Madaxweynuhuna waxa uu uga mahadnaqay Maamulka dekeda ee uu hogaaminaayo Maareeye Cali Xoor-xoor iyo shaqaalaha ku hawlan shaqadan sida fiican ee waddaniyadu ku dheehan tahay ee ay uga qaybqaateen wejigii labaad ee barxadan lagu balaadhinaayo, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyeeyey, muwaadiniintaasi sida qiimaha leh ee ay shacbiga u tuseen inay wax-qabsan karaan haddii la isu tago.
Dhinaca kalena Madaxweynuhu waxa uu halkaasi uga sii gudbay oo uu xadhiga uu ka jaray waddo 8 Km ah oo casriya ahna nooca asfalka loo yaqaano, taasi oo noqotay mid iyana sidoo kale muddo bil gudeheed ah ay ku dhamaystiraan maamulka dawlada hoose ee uu hormuudka uu ka yahay maayar Cabdi Shakuur Maxamed Xasan Cidin oo noqday maayarkii ugu horeeyey ee Gobolkiisa ka hirgeliya waddo noocan oo kale ah oo dhererkeeduna tahay 8km, waxaanu wasiirka Arrimaha guduhu halkaa ka cadeeyey in maamulka dawlada hoose gaar ahaan duqa caasimadu uu yahay masuul ay ku dheehan tahay hawlkarnimo iyo dedaal dheeraad ah, waxaanan madaxweyne kaa codsanayaa aniga oo kaa wakiil ah inaad ii ogolaato in aan guddoonsiyo shahaadadii hawlkarnimada, waxa sidaa yidhi wasiirka Arrimaha gudaha somaliland mudane Warancade.
waddadan oo hore uu madaxweynuhu u dhagax-dhigay bil ka hore taariikhduna ahayd 24/01/2015 maanta oo ay tahay taariikhdu 24/02/2015 xadhiga laga jaray iyada oo dhamaystiran waa guul muhiima oo u soo hoyatay gobolka saaxil muujinaysana horumarka balaadhan ee ka socda gobolka.
Madaxweynuhuna waxa uu ku hambalyeeyey maamulka dawlada hoose iyo duqa Berbera, sida qiimaha badan ee qadarinta iyo halkarnimadu ku dheehan tahay ee ay isaga xilsaareen ugana gaadhsiiyeen in xadhiga laga jaro bil gudeheed waddo intaasi leeg oo aynu qiimeheeda wada garanayno.
ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu dhagax-dhigay dhismaha wasaaradda Deegaanku ku yeelan doonto gobolka saaxil, waxaana si wada jira u dhagax dhigay wasiirka deegaanka marwo shukri Bandarre iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.
HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/02/Codadka-Maareeyaha-Dekeda-Berbera-iyo-Madaxweynaha-JSL.mp3"][/audio]

 

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/02/Khudbadihii-Maayarka-Wasiirka-Arrimaha-Gudaha-iyo-Madaxweynaha-JSL1.mp3"][/audio]

 

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/02/Codadka-Wasiirka-Deegaanka-iyo-Madaxweynaha.mp3"][/audio]
HALKAN KA DAAWO

[gallery columns="4" ids="16253,16252,16251,16250,16249,16248,16247,16246,16245,16244,16243,16242,16241,16240,16239,16238,16237,16236,16235,16234,16233,16232,16231,16230,16229,16228,16227,16226,16225,16224,16223,16222,16221,16220,16219,16218,16217,16216,16215,16214,16213,16212,16211,16210,16209"]

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment