Saturday, February 21, 2015

Dr. Maxamed Cabdillaahi oo Sheegay in Caalamku si weyn u hadal-hayo Jewiga Doorashooyinka Somaliland

Wasiirkii hore ee Ganacsiga oo sheegay in Shaqsi Dunida ku xidhi kara Somaliland ku dhex-jiro Musharrixiinta shaaciyey inay Madaxtinnimada KULMIYE u tartamayaan

Hargeysa, 21 Febr, 2015 (Himilo)- Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arrimaha dibedda iyo Ganacsiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hadda La-taliye u ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka dalalka Afrika, ayaa sheegay in caalamku u dheg-taagayo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada ee Somaliland oo jecel yihiin inay wakhtigoodii ku dhacaan, haddii aanay ku dhicinna aan dhibaato imannin.
reerDr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo wakhtigan ku sugan magaalada Hargeysa, waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay la hadlay Horn Cable TV, waxaanu sidoo kale ka hadlay Xubnaha shaaciyey inay u tartamayaan Jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE marka xil-haynta Madaxweyne Siilaanyo ee markiisa labaad hadduu ku guulaysto dhammaysto, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo uu sheegay inuu yahay nin ku habboon jagada Madaxweyne oo dalka iyo dadkuba aad ugu baahan yahay sida uu hadalka u dhigay.
“Doorashooyinku waa arrimo aad u waawayn, immika doodda dadka Somaliland la shaqeeya ama reer Galbeed ha noqdaan ama Hay’adaha kale ee caalamiga ah ha noqoto, inta badan dooddu waxay immika dul-saaran tahay waa arrimaha doorashooyinka, waayo? Waa arrimo immika kaabiga ku soo haya Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdillahai.
Waxaanu intaas ku daray oo yidhi; “Markaa, doodda caalamka ee Somaliland ku saabsan waxay immika u badan yihiin arrimaha doorashooyinka, diyaar-garawgoodu doorashooyinka siduu u socdaa? Wakhtigii loogu talo-galay ma ka dhici doonaan doorashooyinku Somaliland? Hadday dhici weydo Maxaa Somaliland ka dhacaya? Siday Somaliland uga tashanaysaa ee ay doonaysaa inay dawladaha adduunkuna gacan ka siiyaan? Waa arrin taagan immika arrintaasi oo Somaliland gudeheedana ka socota, dibedanaha way ka socotaa Hay’adaha iyo dalalka Somaliland la shaqeeya.”
“Waxa Somaliland lagu yaqaannay inay doorashooyin dimuquraaddi ahi ka dhacaan, inay weliba u dhacaan si nabadgelyo ah. Waxa kale oo Somaliland lagu yaqaannay in marka doorashooyinku dhammaadaan nidaam wanaagsan xilka lagula kala wareego. Markaa, waxaan rejaynayaa dhaqankaasi inaanu ka dhammaan Somaliland ee uu socdo.” Sidaaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arrimaha dibedda iyo Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Sidoo kale, mar uu Maxamed Cabdillaahi ka hadlayey loollanka Xisbiga KULMIYE dhexdiisa ee Jagada Musharraxnimada Madaxtinnimada cidda ugu tartamaysa Xisbigaas marka wakhtiga xil-haynta Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dhammaato, waxa uu yidhi; “Maxamed Biixi Yoonis waxaan anigu u arkaa kuna aqaannaa nin weyn oo waayo-arag ah, oo muddo dheer la soo shaqaynayey Beesha caalamka, hadday noqoto Baanka horumarinta Afrika, Jimciyadda Quruumaha u dhaxaysa ka shaaqeeyey oo derajo sare ka gaadhay. Markaa, waxaan u arkaa nin waayo-aragnimo badan u leh dhisidda dal sidan oo kale ah oo ka soo kabanaya burbur nabadgelyo iyo burbur dawladnimo sidii markii aynu Soomaaliyadii aynu isku jirnay kala baxnay oo kale.”
“Waxaan u arkaa Maxamed Biixi nin waayo-aragnimadaas dheer (Ragga kale), Somaliland waa dal aan la aqoonsan oo curdin ah oo Maalgashi badan, dhaqaale badan iyo aqoonsi toona ka helin caalamka, waxay u baahan tahay cid waxaas u furfurta oo dunida ku xidha. Markaa, Maxamed Biixi waxaan u arkaa Shaqsiyan nin xilkaas ka soo bixi kara oo dalka iyo dadkuba u baahan yihiin oo waxaas oo dhan ku soo kordhin kara oo caalamka u soo jiidi kara.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment