Sunday, February 22, 2015

Xukuumada Iyo Ganacsatada Somaliland Oo Dhaqaale Ugu Deeqay Cisbitaalka Carruurta Ee Maxamed Aadan Sheekh Childrens Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Himilo)-Xaflad balaadhan oo dhaqaale loogu ururinayey cisbitaalka carruurta ee la yidhaa Maxamed Aadan Sheekh Childrens ee ku yaala caasimada Somaliland.
Xafladan oo ay soo qabanqaabisay marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sh Maxamed Jirde (Aamina-Waris) ayaa waxa ka soo qayb galay Maalqabeenada dalka iyo masuuliyiin, waxaana In ka yar saacad badhkeedna waxa goobtaasi lagaga dhawaaqay qadar lacag ah oo dhan $282,000 oo dollar ka Maraykanka ah.
Dhakhtarka Caruurta ee Maxamed Aadan Sheekh Childern’s oo ah dhakhtarka Carruurta gaar ahaana xooga saara carruurta Wadnuhu daloolo, oo qaliino loogu qaado dalka Talyaaniga si loogu soo daweeyo.
Waxaana xusid mudan sida sawirada ka muuqda in carruurtii qaliinada lagu sameeyey ee ka badbaaday inay u geeriyoodan xanuunkaasi khatarta ah, ka mid ahaa Muhiim iyo Mahad oo ahaa laba carruura oo xalay ku sugnaa goobta, kuna ciyaarayey iyaga oo la caafimaada kuwa la da’da ah ee aan lagu samayn qaliinka.
Iyada oo ay jiraan carruur kale oo hadda yaala dhakhtarkaasi loona diyaarinaayo in la qaado laguna soo sameeyo qaliin ayaa waxay gudida cisbitaalku dalbadeen in shacbiga Somaliland madax iyo mijaba ay ka taageeraan sidii carruurtaasi loo caawin lahaa ee ay u heli lahaayeen fursad caafimaad, Alle ayaa caafimaadka bixiyee, loona baahan yahay in lagu taageero carruurta inay helaan qalab dhamaystiran oo dalkooda hooyo loo keeno si ayna u noqan kuwa markiiba u dhinta xanuunkani oo aan gaadhin inta la sii sido looga hortago.


Waana sababta dhalisay inay Xafladani noqoto mid dareen gaar ah ku abuurta marwada iyo inta la aragtida ah ee damiirka waalidnimo shaqaynaayo, nasiib wanaagse waxa xalay maansoor hotel ka dhacday dhacdo cajiiba balse ay shacbiga Somaliland horeba ugu caan ahaayeen taasi oo ah deeqsinimo.
waxaanay isla goobtaasi ka balan qaadeen kuna dhawaaqeen shirkad, ganacsato, xawaalad, wixii ay awoodeen ee tabarucaad ah, iyada oo ay xusid mudan yihiin wasaaradaha dalka oo isku xukumay $3,000 midkiiba noqotayna 25 wasaaradood, halka Dawlada hoose ee Hargeysa, Dawlada Hoose ee Berbera, Dekeda Berbera, ay ku dhawaaqeen iyaga oo kuwa goboladu kaga qaybgalay xaflada Taleefanka gacanta, lacago u dhaxaysay 20,000 ilaa 10,000 oo dollar, halka shirkaduhuna ay isku xukumeen 100 ilaa 25,000 inta u dhaxaysa.
Waxa iyana xusid mudan dad aan intaa aan soo sheegay midna ka mid ahayn oo lacago aad u tiro badan ku deeqay balse aanan halkan ku soo koobi karayn oo ay hormuud ka tahay marwada madaxweynuhu.
Guud ahaana lacagta ay ku dhawaaqeen xalay dadkii halkaasi ku sugnaa ayaa noqotay 282,000 iyada oo weliba ay hadhsan yihiin dad badan iyo shirkado badan oo ballan qaaday.
HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/02/Codadka-Wasiirka-Caafimaadka-iyo-Marwada-Koowaad-ee-Madaxweynaha-Somaliland.mp3"][/audio]

HALKAN KA DAAWO

[gallery columns="4" ids="16044,16043,16042,16041,16040,16039,16038,16037,16036,16035,16034,16033,16032,16031,16030,16029,16028,16027,16026,16025,16024,16023,16022,16021,16020,16019,16018,16017,16016,16015,16014,16013,16012,16011,16010,16009,16008,16007,16006,16005,16004,16003,16002,16001,16000,15999,15998,15997"]

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment