Addis Ababa, 19 Feb, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay ka qaybgalay Xuska Ururkii Xornimo-doonka dalka Ethiopia oo shalay lagu qabtay gobolka Muqala oo 780 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Caasimada ah ee Addis Ababa.

Xuska ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galay Madaxda dawladda Ethiopia iyo Madax kala kala socotay Waddamada Gobolka Geeska Afrika oo lagu casuumay oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Uganda, Sudan, Ruwanda iyo kuwa kale. Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dawladda Ethiopia ku ammaanay Horumarka ay sameysay iyo Garab-istaaggeeda dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale intii uu joogay dalka Ethiopia waxaa uu kulammo gaar-gaar ah la qaatay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Raysal-wasaaraha dalka Jabuuti, Raysal-wasaaraha Uganda, Madaxweynaha Ruwanda, Madaxweynaha Sudan, Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo kuwa kale.
Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay, xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya ama ay la leeyihiin dalkiisa, Iskaashiga iyo weliba dhinacyada Ammaanka inay ka taageeraan inta awooddooda ah dawladda Soomaaliya, maaddaama oo ay Urur Argaggixiso oo hubaysan dagaal kula jirto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment