Hargeysa (Himilo)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay in saqdii dhexe ee xalay Dab-damiska dawladda hoose badbaadiyeen suuqa waaheen oo uu dab-qabsaday, isla markaana wuxuu ugu baaqay in jidadka suuqaasi dhex mara dadka dhex degani ka guuraan si loogu gurman karo wixii dhib ee ka dhaca Suuqa.
Maayarka ayaa sheegay in badbaadintaasi ay keentay kadib markii saddex cisho ka hor jid shan boqol oo mitir ah ay ka baneeyeen suuqa Waaheen taasina ay sahashay in xalay dab-kaasi qarxay la badbaadin karo.
[gallery columns="4" ids="15872,15871,15868,15861"]
Maayarka oo dabkii xalay ka qarxay suuqa weyn ee Waaheen ka warbixinaya waxa uu yidhi“ waxaan u mahad naqayaa ciidanka dabdamiska dawlada hoose oo xalay labadii habeenimo badbaadiyey suuqa weyn ee waaheen, isagoo makhsin ka mid ah dab qabsaday, waxaana nasiib wanaag ahayd in saddex cisho ka hor aanu jidkaasi suuqa loo mari lahaa banaynay shan boqol oo mitir oo olole ku qaadnay, bani’aadamku inuu ganacsado waa muhiim laakiin in jidkii iyo meelihii suuqa loo dhex mari lahaa loo xidho waa arrin adag, waxaan leeyahay waddooyinki loo mari jiray suuqa waaheen waanu banaynaynaa, dadkii suuqa inji loo dhisay ha galaan, intii suuqa jajabka loo dhisayna ha gasho, laakiin marna aqbali mayno in meel loo maro la waayo meeshii hantidii ummaddu taallay, xalay qolka gubtay waxa yaalay hanti dhan soddan kun oo dollar oo ay la jaar ahayd meheradihii kale oo hantiddii ummadani oo dhan yaaliin, haddii aan la baneyn jidkaasi maalinti dhowayd way isla bas beeli lahayd, aad baan ugu mahad celinayaa ciidanka dab-damiska iyo ciidanka dawladda hoose sida wanaagsan ee suuqaasi u badbaadiyeen, waxaana dadweynaha leeyahay jidka Saylada ka yimaada ee maalintii dhowayd la baneeyay iyo ka kale ee waqooyiga ka mara waa in dadka degani ka guuraan, qofna waddo dhexdii loo ogolaan maayo inuu dhex dego, waddooyinka dhexmara suuqa waa la wada banaynayaa”
Intaas kaddibna waxa uu booqday suuqa waaheen iyo meheraddii gubtay, waxaanay dadweynaha suuqa waaheen u mahad naqeen dawladda hoose iyo gurmadkii degdega ahaa ee ay ugu timid, iyagoo ballanqaaday inay la shaqayn doonaan dawladda hoose.
Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay inuu soo gaadhay qalabkii ay dirsadeen qaybtiisii u horeeysay kaasoo ah caagagii qashinka fuddud lagu ridi lahaa goobaha muhiimka ah.
Maayarka ayaa sheegay in shan boqol oo caagaga qashinka fudud lagu rido loo qaybin doonno meheradaha iyo goobaha muhiimka ah, isla markaana meherad kasta ay masuuliyadeedda qaadi doonto caagagaasi oo ah qaar casri ah oo loo baahan yahay inay illaashaadan, isagoo xusay in marka qashinka lagu rido caagagaasi loo keenay gaadiidkii yaryaraa ee ka qaadi lahaa, isla markaana waddooyinka dhex socon lahaa si ay qashinka uga guraan.
Maayarka Caasimadda oo ka hadlaya qalabka u yimid iyo kuwo kale oo dhexda ku soo jiraba waxa uu yidhi “ waxa maanta na soo gaadhay Caagagii qashinka fuddud lagu ridi lahaa, waxaana bishan 25keedda inoo imanaya ishaarooyinka gaadiidka kala hagayey oo ah solar system kuwo qoraxda ku shaqeeya, maanta qalabkan ina soo gaadhay waa caagagii qashinka fuddud lagu ridi lahaa waad ogtihiin oo caagaga biyaha sharaabka ama biyaha lagu cabo dadku waddooyinka iskaga soo tuuraan, maanta laga bilaabo waa la ganaaxi doona qofka isagoo gaadhi wata ama jid maraya caagad waddada iskaga tuura, meherad kasta oo horteedda la dhiga iyada qaadaysa masuuliyadeedda caagan, meherada caagaasi laga waayo ee la hor dhigay ee laga waayo iyaddaa laga rabaa caaggi iyo weliba ganaax wixii lagu xukumaba”.
Maayar Soltelko ayaa sheegay inay caagagani ka kooban yihiin shan boqol oo xabo, isla markaana la dhigi doono waddooyinka muhiimka ah iyo meheradaha magaaladda si qashinka fuddud loogu rido, taasoo ay markiiba qaadi doonaan gaadiid yaryar oo loogu talogalay inay qashinka caagagga markay buuxsamaan lagu qaaddo, taasoo billicda magaaladda kor u qaadaysa.
Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa maanta Salaaddii jimce khudbad ka jeediyey masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, waxaanu kaga hadlayey dhalinyaradda habeenkii rabshadaha sameeya.
Maayarka ayaa waalidka dhalay ciyaalkaasi ugu baaqay inay carruurtooodda ka war hayaan,isla markaana waalid walba ogaado halka uu ku maqan yahay iyo halka uu joogo.
Maayarka caasimadda ayaa maanta masaajidka Cali Mataan salaaddiii jimce kala qaybgallay dadweynaha muslimiinta ah ee ku tukadda, waxaanu dadweynaha caasimadda Hargeysa ugu baaqay inay amniga ilaashadaan, isla markaana la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isagoo ku baaqay in waalidku carruurtoodda dhibaatadda ku haya dadweynaha caasimadda wax ka qabtaan.
“waxaan ugu baaqayaa waalidka dhalay carruurta habeenkii dhibaataddda u geysta dadka iyo hablahoodda waa inay wax ka qabtaan, waayo cidda ay wax u geysanayaan waa hablahooddii iyo dadkii ay la dhasheen, markaa waa in waalid waliba ilmihiisa ogyahay halka uu joogo iyo halka uu ku maqan yahay, waa in waalidka iyo ciidamadda amaanku wada shaqeeyaan, maaha waalidku in marka ilmihiisa dadka dhibayey la qabto uuu soo hor booddo oo uu yidhaa ilmahaygu wax dambi ah ma galin, haddii waalidku carruurtiisa wax ka qaban waayo waa loo edbinayaa”ayuu yidhi Maayar Soltelko oo waalidiinta magaaladda Hargeysa ku boorinaya inay carruurtoodda xakameeyaan.
Sidoo kale, Maayar Soltelko waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay la shaqeeyaan Dab-damiska wakhtiyadda ay guryaha gubanaya u gurmanayaan.
[gallery ids="15859,15874,15873,15872,15871,15870,15869,15868,15867,15866,15865,15864,15863,15862,15861,15860,15858"]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment