Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray)
“Waa nin iska hadlay bay ila tahay ninka yidhi Golaha hala kala diro, Goluhu sharci buu ku dhisan yahay, sharci ayaana lagu kala diri karaa, ee nin hadalkiisa...” - Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Wakiillada Md. Cali Yuusuf Axmed: WARAYSI GAAR AH
Hargeysa, 19 Feb, 2015 (Himilo)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa markii ugu horreysay shalay ku baaqay in la kala diro Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, maaddaama oo uu Golahaasi fadhiyey muddo ku siman toban sannadood oo shan ka mid ah ay ku fadhiyeen Codkii Bulshadu ku soo doortay, shantii dambana muddo-kordhin, isla markaana ay muuqato inaanay doorashadu ku qabsoomayn 26-ka June 2015-ka oo ay muddada Madaxweynaha iyo ta Wakiilladuba ku dhammaanayso.

Sidaa awgeedna waxa uu Cali-Guray uu ku baaqay in la kala diro Golaha Wakiillada Somaliland, sidoo kalena waxa uu sheegay inaanu Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ku aamminaynin inay doorasho dalka ka qabato xataa haddii muddo-kordhin loo sameeyo, wakhtiga doorashada dib loo dhigo. “Waxaan jecelahay inaan halkan idiinka Sheego Mawqifka rasmiga ah ee Xisbiga UCID ee ku waajahan arrimaha Siyaasadda ee wakhtigan taagan, horeba waannagii annagu u caddaynay inaan wax doorasho ahi dhacayn 26-ka June 2015-ka, inkasta oo aan Madaxweynaha laga hayn, Xukumaddiisa laga hayn, Komishanka Doorashada laga hayn, cid kalena aan laga hayn UCID oo dadka u sheegta inaanay doorasho suuro-gal ahayn 26-june mooyaane.” Sidaa ayuu yidhi Cali-Guray.
Waxaanu Cali-Guray intaas ku daray oo yidhi; “Haddii doorasho dhici waydo maxaa la yeelayaa ayuun baa meesha taalla? Annagu halkaannu ka taagannahay waxa weeye in Golahan Wakiillada ee 10-ka sano fadhiyay, haddana sugaya in 26-ka June ka hor in loo kordhiyo oo ay dhawr iyo toban sano fadhiyaan in gebi ahaantoodba la kala diro oo Baarlamaanka cusub ee la soo doortaa fadhiisto.”
“Haddiiba Komishanku doorasho dambe jadwalkiisa ku cayimo, Xukumaddani maaha Xukuumad lagu aammini karo doorasho dalkan ka dhacda, sababtoo ah, waxay qayb ka tahay wixii dayacay wakhtigii doorashada ee beeniyay wacadkii Madaxweynuhu ummadda u qaaday. Markaa, annagu ma qabno Xukuumad doorasho lagu aammini karo inay tahay Xukuumaddani. Waxaannu Ogolnahay Xukumad lagu wada kalsoonaan karo oo lagu aammini karo inay doorasho qaban karto oo ku timaadda wada-tashi Qaran. 26-ka June illaa marka doorashada laga qabanayo dalkani siduu u soconayo waxaannu ka ogolnahay in wada-tashi Qaran la isugu yimaaddo oo laga wada-tashado.” Sidaa ayuu yidhi Cali-Guray.
Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cali Yuusuf Axmed oo Weriye Cabdifaax I. Mursal oo Wargeyska Himilo ka tirsani khadka Taleefanka xalay wax kaga weydiiyey sida uu u arko Baaqa Xisbiga UCID ku soo jeediyey in la kala diro Golaha Wakiillada iyo Sharciyan sida ay noqonayso, waxa uu ku jawaabay; “Waa nin iska hadlay bay ila tahay ninka yidhi Golaha halla kala diro, Goluhu sharci buu ku dhisan yahay, sharci ayaana lagu kala diri karaa, ee nin hadalkiis laguma kala diri karo, Baarlamaanka Baarlamaan kale ayaa beddeli kara, Madaxweynaha Madaxweyne la doortay baa beddeli kara. Baarlamaankana waxa la isku yidhaahdaa Wakillada iyo Guurtida, Golaha Wakiilladu awood uu ku korodhsado ama cid ugu kordhiyo muddada malaha. Guurtida ayaa sharcigu siinayaa oo haddii duroofo doorasho in la qabto saamixi waayaa yimaaddaan marka la isla xaqiijiyo iyagaa sharci u leh Guurtidu inay muddo kordhiyaan, taasina mid annaga wakhtigan Wakiillo ahaan nagu xidhan maaha.”
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Wakiillada Cali Yuusuf oo ka jawaabayey; in muddo toban sano ah oo shan ka mid ah ay ku fadhiyeen codkii dadwaynaha, shanta kalena muddo-kordhin, isla markaana aanay caqli-gal ahayn in mar kale loo kordhiyo sida Xisbiga UCID ku dooday, waxa uu yidhi; “Golaha Wakiilladu diyaar buu yahay haddii la yidhaahdo berri halla qabto doorashada, ninkii dib isu sharraxaya iyo ka aan is-sharraxaynba isagay u taallaa, laakiin Goluhu waa galayaa doorashada wakhtiga loo qabto. Laakiin, Wadanka khalkhal la gelin maayo, ee waxa fiican inay Guddiga doorashooyinku iyagu wakhtiga qabtaan ay doorashadu qabsoomayso.”
Cali Yuusuf mar uu ka hadlayey muhiimadda diiwaangelinta Madaniga ah iyo Ta Cod-bixiyeyaasha oo ay tahay in doorashada ka hor la dhammaystiro, waxa uu yidhi; “Waxaa xaq ah in dadka reer Somaliland ee doorashada galaya la diiwaangeliyo meel kasta oo ay joogaan. Cid aan diiwaangashanayn ha codeeyaan haddii la yidhaahdo dhibaatadeeda ayey leedahay. Markaa, waxaynu u baahannay inaanay wax is-daba-marin iyo musuqmaasuq innaga gelin doorashada, waynu ogeyn doorashadii diiwaangelin la’aanta lagu galay ee Golayaasha deegaanka Buuqii ka dhashay, markaa si buuq iyo qas aanay u gelin doorashada waa in la dhammaystiraa diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha doorashada oo ama magaalo ha joogo ama tuulo ha joogo ee qof kasta oo reer Somaliland ah oo xaq u leh inuu codeeyo loo diiwaangeliyo si uu xaqiisa dastuuriga ah u gudan karo marka doorashada la galayo.”
“Hawlaha doorashada ha la dedejiyo waan qabnaa, Guddiga doorashadu ha dedaalo waan qabnaa, werwer-na waa jiraa inaanay xilligeeda ku qabsoomi karin, haddii duruufi saamixi weydo mooyee, cid waliba diyaar bay u tahay doorashada, Madaxtooyadu diyaar bay u tahay, Golaha Wakiilladu diyaar buu u yahay inay doorashada galaan wakhtiga loo muddeeyo.” Sidaa ayuu yidhi Cali Yuusuf.
Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cali Yuusuf Axmed oo ka jawaabayey su’aal aan ka weydiinnay haddii labada Xisbi Mucaarad mawqifkaas ah in Wakiillada la kala diro, suuragal ma tahay in soojeedintoodu shaqayso, waxa uu ku jawaabay; “Sharci iyo Dastuur baynu leenahay, hadday doorashadu xilligeeda ku qabsoomi waydo sharciga ayaa la raacyaa si aan dalka fawdo uga dhicin, waxa Xisbi qabaa Sharci ma noqonayso, waxa laba Xisbi qabaan Sharci ma noqonayso, hadday saddexduba isku raacaan xataa sharci ma noqonayso ee waxa sharcigu dhigayo ayaa Sharci ah, Golaha halla kala diro Sharci ayuun bay ku iman kartaa ee rabitaan qof iyo rabitaan Xisbi midna kuma imanayso, Sharcigana waynu ku dhaqmaynoo oo fawdo ma nihin, ninka yidhaahda halla iska kala diro Wakiillada dee hadalkiisu waa Qayrul-sharci.”
Garyaqaanka Guud ee dawladda Somaliland Ibraahin Iidle Saleebaan oo Wargeyska Himilo isku dayey in uu dhiniciisa wax ka weydiiyo Sharciyan wakhtiga la kala diri karo Golaha Wakiillada iyo sida ay isu waafiqi karaan Baaqa UCID iyo Shuruucda arrimahaas la xidhiidha, ayaa ka gaabsaday inuu wax sharraxaad ah ka bixiyo Sharciyan waxa ka yaalla, goorta kala-diristu muhiimka tahay, waxay ku iman karto iyo sida loo kala diri karaba. Hase-yeeshee, cidda keliya ee Sharciyan awoodda kala dirista Baarlamaanka leh, ayaa ah Madaxweynaha dalka, isagoo sharciyan ku sababaynaya duruufta keentay kala dirista Baarlamaanka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment