Sunday, February 22, 2015

Xoogagga Al-shabaab Oo Dhiirrigeliyey Weerarro Lagu Qaado Xarumo Waaweyn Oo Canada Iyo Maraykanka Ku Yaalla

Muqdisho:Feb,22,2015(Himilo)-Ururka Al-shabaab, ayaa Muuqaal ay Maalintii shalay baahiyeen ku dhiirrigeliyey Taageerayaasheeda inay Weerar ku ekeeyaan Goobaha laga dukaamaysto eek u yaalla Dalalka Canada iyo Maraykanka.

mallMid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka soo muuqday muuqaalka la soo geliyay baraha Internet ayuu kaga hadlayay si la mid ah weerarkii lagu qaaday September sanadkii 2013 xarunta ganacsiga ee Westgate Mall in loo weeraro goobaha kale ee ay leeyihiin Yuhuuda iyo Mareykanka.

Al-Shabaab ayaa ku soo bandhigay muuqaalkooda xarunta Ganacsiga ee Mall of America oo ku taala Magaalada Mennisota, sidoo kalena ay rajeynayaan in weeraro lagu qaado xarunta Ganacsiga ee West Edmonton Mall ee dalka Canada iyo tan ku taal magaalada London ee Westfield Stratford.

Ruuxa muuqaalka ka soo muuqday ayaa ku hadlayay lahjada British-ka, waxaana uu la sheegay inuu yahay ninka inta badan ka soo muuqda muuqaalada afka Ingiriiska ku baxa ee ay soo saarto Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay Xarunta laga dukaameysto ee Mall of America ayaa sheegtay inay ka war qabto hanjabaada loo jeediyay iyo in muuqaalka ay soo bandhigeen Al-Shabaab uu ka soo baxay sawirka xaruntooda ganacsi, waxaana ay xuseen inay qaadan doonaan hanjaabo kasta oo qatar ah, ayna xoojinayaan ammaanka rugtan ganacsi.

Muuqaalka ay soo bandhigeen Al-Shabaab ayaa waxaa ka soo muuqda Hogaamiyahoodii la dilay Axmed Cabdi Godane, waxaana muuqaalkan uu ahaa kii u horeeyay ee Hogaamiyahoodii hore lagu arko Video ay soo bandhigeen, sidoo kale waxaa ka soo muuqday Saalax Nabhaan oo sanadkii 2009-kii lagu dilay weerar cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa muuqaalkan ka soo muuqday mid ka mid ah raggii fuliyay weeraradii Kampala ee dhacay sanadkii 2010, kaasoo ahaa muwaadin ka soo jeeda Kenya oo ka bar bar dagaalamayay Al-Shabaab, waxaana weerarkaas uu galaaftay nolosha ilaa 76 ruux daawanayay ciyaartii kama dambeysta ee Koobkii Adduunka.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment