Maxbuuskan oo lagu magacaabo Cumar Xasan Cumar oo haysta dhalashada waddanka Denmark, muddo sannad ku dhowna ku xidhan Xabsiga Dhexe ee Hargeysa, ayaa la sheegay in dawladda Denmark ka dalbatay xukuuumadda Somaliland in loo gacan-galiyo, iyaga oo ku haystay inuu fal-dambiyeed dil ah ka gaystay gudaha waddankooda, ka hor intii aanu dib ugu soo laaban waddankiisa hooyo ee Somaliland.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay eedayn loogu jeediyey Xukuumadda inay hawlan tahay qorshe Maxbuuskan loogu gacan-galinayo waddanka Denmark kaas oo warkiisa lagu baahiyey mid ka mid ah Wargeysyada ka soo baxa magaalada Hargeysa oo lagu sheegay in Saddex wasiir oo xukuumadda ka tirsan Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka qoraal kaga dalbadeen in maxbuus lagu wareejiyo dalka Denmark.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland waxay beeninaysaa war been-abuur ah oo lagu daabacay Wargeyska Foore.
Sida uu baahiyey Wargeyska Foore caddadkiisa 658aad ee taariikhda Sabti 21 Febarwari 2015, waxa wargeysku daabacay war lagu sheegay in wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha iyo Cadaaladdu si wada-jir ah qoraal ugu gudbiyeen Xeer Ilaaliyaha Guud in muwaadinka magaciisu yahay Cumar Xasan Cumar oo ku xidhan jeelka Weyn ee Hargeysa dib loogu dhoofiyo dalka Denmark oo uu dhalashadiisa haysto.
Haddaba, wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL waxay caddeynaysaa inaanay waxba ka jirin warkaas oo uu gebi ahaanba yahay mid been been abuur ah, isla markaana aanu jirin wax qoraal ah oo wasiirka Arrimaha dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis iyo Masuuliyiinta kale ee Qarankuba ay ka soo saareen arrinta muwaadinkaas oo meel loo gudbiyey.
Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxay uga fadhidaa Wargeyska Foore inuu soo caddeeyo warkan iyo qoraalka ay sheegeen in wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Masuuliyiinta kale u gudbiyeen Xeer ilaalinta Guud si wargeysku sheegay,” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeeedka ka soo baxay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment