Saturday, February 21, 2015

Wax-garad iyo Odayaal ka soo jeeda Qorulugud oo Dhaliyey qaabka loo wado Nabadeynta Beelaha Buuhoodle, Wasiirka Caafimaadkana taageero u muujiyey

Hargeysa, 21 Feb, 2015 (Himilo)- Waxgaradka, xildhibaanno iyo Odayaal ka soo jeeda degmada Qorulugud ee Gobolka Buuhoodle oo uu hor kacayay Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale, ayaa ka hadlay Xaaladda Deegaanka Qorulugud, Nabadaynta Beelaha Buuhoodle iyo Qorulugud, waxaanay taageero u muujiyeen wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Xagla-toosiye oo ay ku majeerteen dedaallada nabadeed ee uu ka wado-deegaanka iyo wax-qabadka adeegyada caafimaad ee uu dalka ka hirgeliyey.
warxWaxgaradka oo shir-jaraa’id ku qabtay Hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, waxa ay sheegeen in baahi weyn loo qabo nabad-waarta oo laga dhex-dhaliyo beelaha walaalaha ee ku dhaqan gobolka Buuhoodle, waxaanay soo jeediyeen inay lagama maarmaan tahay sidii hawl-galkaas nabadeed loogu wakiilan lahaa dadka deegaanka metela si guul looga gaadho nabadweynta deegaanka Buuhoodle.
Waxa ay farta ku fiiqeen in gebi ahaanba la dhinac maray ciddii nabadda Ka wada-hadli lahayd ee u meteli lahayd dhinacooda deegaanka Qorulugud, balse ay hadda arkaan Deegaanka Buuhoodle oo Nabadda u diyaar ah, waxaanay ka codsadeen dadka deegaanka Buuhoodle inay ka war-sugayaan inta dhinacooda cid u metasha wada-xaajoodka nabadeynta ay beel ahaan soo dirsanayaan.
Xildhibaan Xariir Siciid Bulaale oo ka mid ah mudaneyaasha beesha Qorulugud ugu Jira Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shirkaas jaraa’id ka akhriyey bayaan xambaarsan qodobbo uu ku metelayey wax-garadka iyo Odayaasha deegaanka Qorulugud, waxaanu yidhi, “Waxaan maanta ka hadlaayaa aniga iyo qaar ka mid ah wax garadka deegaanka xaalada nabaded ee deegamadaas aynu soo sheegnay iyo sida ugu haboon ee nabad loo dhex dhigi karo deegaanadaas. Waxaan halkan ku cadaynayaa qodobbadan hoos ku qoran:
1. Waxan ugu horayn baaq nabdeed u dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee Qorilugud iyo Buuhoodle anagoo cadaynayna in beesha aanu kasoo jeednaa diyaar u tahay nabad waarta oo dhex dhamarta.
2. In dadka nabadaynta gacanta kula jiraa aanay ahayn kuwo kalsooni ka haysata beesha oo ah daraf ka mida labada dhinac ee shaqaaqadu ku dhex martay Qorilugud iyo Buuhoodle. Anigoo ku hadlaya magaca beesha kasoo jeedo waxan uga digayaa dadkaas inay faraha kala baxaan nabadayntaas oo aan u aragno inaan loo marin dariiqii saxda ahaa isla markaana ay beeshu waxba kala socon waxa halkaasi laga wado oo ay wadaan dad aanay beeshu waxba u diran oo ay kamid yihiin labada suldaan ee kala ah Suldaan guuleed maxamed mire iyo suldaan maxamuud xaaji xuseen iyo dadka xulafada la ah kuwaas oo aan midkoodna suldaan u ahayn beesha ay sheegtaan cid dirsatayna aanay jirin
3. Waxaanu in badan sugaynay oo aanu fadhinay inaanu helnno cidii metelaysay reer Buuhoodle ee ay taladu ka go'aysay oo ah madax dhaqameedka nabada u xidhi lahaa dhinacooda Buuhoodle waxaanuna aragnaa inay hadda yimaadeeen raggii u qalmayey inay nabad reer buuhoodle u xidhaan hase yeeshee xagayaga ma aragno cid haysata mandateka oo meesha maraysa cidii kalsoonida beesha haysatayna waa la dhinac maray anagoo cuqaasha iyo wax garadka beesha Buuhoodle ugu baaqayna inay sugaaan intay helayaan dhigoodii meteli lahaa xagayaga
4.Waxaan halkan ku cadaynayaa cidda keliya ee beeshan meteli kartaa inay tahay Cuqaasha deegaanka Iyo Suldaanka guud ee beelaha Bariga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali kaasi oo ah suldaanka gaarka ah ee beesha meteli kara.
5.Waxaanu sidoo kale si buuxda u taageeraynaa Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xagla-toosiye oo aanu u aragno inuu daacad ka yahay nabadaynta iyo isu soo dhoweynta Beelaha walaalaha ah ee Qorulugud Iyo Buuhoodle kaasi oo aanu u aragno inuu ka gungaadhi karo Nabadaynta deegaamadaasi hadii la siiyo waqti ku haboon farahana looga qaado
6.Ugu danbayntii waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumada Somaliland kana codsanaynaa inay Nabadaynta deegaamadaasi u xilsaarto cidda haysata kalsoonida beesha deegaanka Qorilugud kuwaasi oo Ah cuqaasha deegaanka iyo suldaan Cabdilahi Suldaan Cali oo in Badan la Gees Maray,” ayuu yidhi Xildhibaanku.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment