Wednesday, February 25, 2015

KULMIYE iyo UCID oo Xukuumadda ku taageeray ka qaybgalka Shirka Wadahadalka Soomaaliya ee Turkiga ka furmaya & WADDANI oo Ka soo horjeestay

“Sidaad la socotaan awoodda wadahadallada waxa leh dawladda Somaliland, Shacbiga, Golayaasha iyo Ummadda Somaliland waxay u xilsaareen dawladda iyo Madaxdeeda inay metelaan…” Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis

Hargeysa, 25 Feb, 2015 (Himilo)- Xukuumadda, Xisbigeeda Kulmiye iyo Mucaaradka ah ee UCID, , ayaa isku raacay inay Somaliland ka qaybgasho Shirka wadahadallada Soomaaliya lala geliyo oo dhammaadka toddobaadkan ka furmaya magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga. Balse, Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay, isla markaana ku teliyey inaan la tegin shirkaas, sidoo kalena hakad la geliyo sii waditaanka wadahadallada Soomaaliya lala gelayo inta murugga hawlaha doorashada aan wakhtiyeysnayn lagu jiro, wakhtigan Xukuumadduna gabaabsiga yahay.
Hase-yeeshee, Xukuumadda, ayaa ku doodday in awoodda sii wadista iyo tegista wadahadallada Somaliland kula jirto dawladda Federaalka Soomaaliya ay Xukuumad ahaan leedahay, isla markaana ay Shacabka iyo Golayaasha Qarankuba u igmadeen oggolaanshana u siiyeen gelitaanka iyo ka midho-dhalinta wahadallada muddada saddexda sano ah u soo socday Somaliland iyo Soomaaliya, immikanay Guddiga loo xil-saaray ka qaybgalayso Shirka Istanbuul ka furmaya, inkasta oo ay qirtay in mid ka mid ah Xisbiyadu aragtidaas mid ka duwan qabo, haddana aragtida Waddani ma noqon karto mid baajin karta tegitaanka wadahadalka maaddaama oo ay labada Xisbi ee kale iyo Xukuumaddu isku raacsan yihiin.
Kulan Saacado qaatay oo shalay Xarunta Wasaaradda arrimaha dibedda ee magaalada Hargeysa ku dhex-maray Masuuliyiin ka kala socday Xisbiyada UCID, WADDANI, KULMIYE iyo Guddiga Somaliland ugu xil-saaran hawlaha wadahadalka lagula jiro Soomaaliya, waxaana saacado badan oo kulankaasi socday ka dib, ay Warbaahinta uga warrameen waxyaabaha ay ka wadahadleen Xisbiyada iyo Guddigu.
Xoghayaha guud ee Xisbiga Mucaaradka ah ee CID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa sheegay in kasta oo markii hore ay ku taliyeen in la hakiyo wadahadallada Soomaaliya lagula jiro ee dawladda Turkigu marti-geliso, maaddaama oo ay u arkaan in Turkigu u xaglinayo dhinaca Soomaaliya, haddana waxa uu sheegay in markii dambe ay ku qanceen in ballan lagu gaadhay shirkii Jabuuti ku dhex-maray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo uu dhex-dhexaadinayey Madaxweynaha Jabuuti la iskula qaatay in shirkaa Istanbul la isugu yimaaddo dabayaaqada bishan aynu ku jirno, sidaas darteedna ay ku aqbaleen.
“Xisbi ahaan waannu oggol nahay inay wadahadalladu socdaan oo hannaankii hore ee ay u socdeen u socdaa, annagu Xisbi ahaan waannu u sheegnay in wadahadallada Turkiga la soo gebo-gabeeyo oo aan la tegin. Laakiin, waxay noo sheegeen in ballanta ay hore u galeen markii Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ku kulmeen Jabuuti, markaa maaddaama oo ay ballantaas hore jirtay oo ay dawlad wayn oo aynu jaarnahayna goob-joog ka ahayd oo inna dhex-dhexaadinaysay ballanka la galay inaynu ka baxnaa ceeb innagu noqonayso ayay noo sheegeen, markaa waannu ku taageernay inay shirkaas la tago.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax.
Sidoo kale, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay inay Xukuumadda ku taageereen ka qaybgalka Shirka wadahadalka Soomaaliya ee ka furmaya Turkiga, waxaanu yidhi; “Annagu Xisbiga KULMIYE ahaan Xubnahayagii ka soo qaybgalay oo ahaa aniga, Guddoomiyaha Golaha dhexe iyo Xoghayaha guud ee KULMIYE, waannu nimi, Xisbiyada kale ee Qarankuna way yimaaddeen, talooyin wixii nala siinayey waa nala siiyey, waannu ku taageernay wadahadallada.”
Guddoomiye Ku-xigeenka koowad ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin, waxa uu duray go’aanka iyo soo-jeedinta Xisbiga WADDANI oo uu ku tilmaamay cunfi aan caalamka lagaga dhaqmin, waxaanu yidhi; “Caalamka sida loo dhaqmo waxa weeye dawlad waliba muddada xilkeeda inta uu ku egyahay bili markay uga hadhsan tahay dawladda markaas jirta ayaa wadahadallada gasha. Qolada WADDANI meel ay Curfigaas ka keentay mooyee meel caalamka lagaga dhaqmaa ma jirto.”
La-taliyaha Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Siyaasadda arrimaha dibedda Faadumo Siciid Ibraahin, oo wax laga weydiiyey sababta ay ku diiddan yihiin ka qaybgalka wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee muddada saddexda sano ah soo socday, ayaa sheegtay inaanay diiddanayn wadahadallada, hase-yeeshee, ay u arkaan in wakhtigan oo Xukuumadda afar bilood uga hadsan tahay muddadeeda sharciga ah, hawlihii doorashada diyaarintoodana loo baahan yahay in lagu mashquulo aanay habboonayn in wadahadallada la sii wado ee ay fiican tahay in hakad la geliyo inta hawsha doorashadu dhinac u dhacayso.
“Wadahadalka kama soo horjeedno, ee waxaan leenahay innagoo wax hagaagsan oo aynu ka midaysannahay, Saddexda Xisbi, Xukuumadda, Guurtida, Wakiillada iyo Shacabku-ba aynu ajande wanaagsan oo go’aan leh la tagno. Laakiin, afartan bilood ee aynu doorashada qaban-qaabadeedii ku jirno ee aynaan weli salkaba u dhigin, ma habboona inaynu wadahadalno galno.” Sidaa ayay tidhi Faadumo Siciid Ibraahin.
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga wadahadallada u qaabbilsan Somaliland, ayaa sheegay inkasta oo Xisbiga WADDANI qabo aragtida ah in la hakiyo wadahadalka maaddaama oo hawlaha doorashadu soo dhaw yihiin, haddana cidda awoodda tegista iyo sii wadista wadahadalka lihi ay tahay Xukuumadda talada haysa.
“Sidaad la socotaan awoodda wadahadallada waxa leh dawladda Somaliland, Shacbiga, Golayaasha iyo Ummadda Somaliland waxay u xilsaareen dawladda iyo Madaxdeeda inay metelaan Somaliland xagga wadahadallada. Waanannu dhegaysannay oo Xisbi ka mid ah saddexda Xisbi Qaran (WADDANI), ayaa ku telinayey in wadahadallada la yar hakiyo maaddaama oo doorashooyin soo dhaw yihiin, laakiin saddexda Xisbiga Qaran-ba waxay isku waafaqsan yihiin in wadahadalku danta Somaliland yahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment