Hargeysa, 22 Feb, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ayaa naqdiyey khudbad guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Khamiistii todobaadkii hore kaga hadlay mowqifka xisbigiisa ee doorashada iyo tallaabada ay tahay in la qaado haddii doorashooyinku wakhtigooda dib uga dhacaan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere oo daba-socda hadalka Guddoomiye Cirro, waxa uu sheegay inaanay jirin meel dastuurka Somaliland ay kaga taalo dawlad-wadaag ah oo la dhiso, isaga oo gef iyo meel-ka-dhac sharci ku sifeeyey hadalka Guddoomiyaha Waddani.
“Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay inuu Xaqiiqsaday in ay doorashadu dib u dhacayso, waxa uu eedda Koowaad saaray Xukuumadda oo ku sheegay in ay Doorashad iyadu Riixayso, Qodobo uu soo qaatay oo sheegaya in ay Xukuumaddu Ka danbaysay ma sheegin Iyo sababta ay uga danbaysay, waxaanu u cadayn waayay sababaha Doorashadu Dib ugu dhacayso, isaga ayaa soo galay,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo shalay u warramay telefishanka Madaxa-bannaan ee Star TV. “Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in la sii Kala daayo baarlamanka, Mana sheegin Cid Kala Diraysa Golayaasha Sharciga ah. Xukuumadda, Madaxwaynaha ayuunbaa Kala diri kara, laakiin golayaasha Si baa loo kala dii dayaa, dastuurkana way ku Yaaliin, Ka xilka laga qaadayana hab loo raaco ayuu leeyahay, Cabdiraxmaan, qaab Xukuumadda iyo Baarlamaanka loo kala diro haddii uu ogyahay isagu ha keeno,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Dheere.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin waxa uu eedayn u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxaanu yidhi, “Cabdiraxmaan Ciro waxa uu doonayaa dad isku daca iyo dhibaato,Shacab oo la Kiciyo, waxaana halkaas ka muuqata inaanay jirin rejo uu Cabdiraxmaan ka leeyahay Somaliland. Baarlamaanku Haddii uu xaaraan yahay Cabdiraxmaan muxuu uga tagi waayay Golaha, isagu cid La talisa ayaanu Haysan, dadku waxa ay filayeen oo Waddani oo dhamina u haysteen inuu is Casilayo, Ceebna waxa ugu Filan Baarlamankii uu Xaraanta ku sifeeyay marka uu hadana soo hor Fadhiisto.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxani Baro-bogaando ayuun bay ahayd Laakiin mowqif Siyaasadeed oo Xisbiga Wadani ka Soo go’day muu ahayn, waxaad moodaa wax aan Majaro lahayn oo Qof aan caqli Lahayn ku Fikirin, taasna waxaan ku cadaynayaa Cabdiraxmaan inuu Baritoole Iman doono Golaha isaga oo Afar waraaqood sita.
Halkan waxaan ka caddaynayaa in Rag badani soo jeediyeen in Xeerarka Doorashada Lagu soo daro, laakiin Cabdiraxmaan wuu diiday.” Sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Caalin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment