
Mareykanka, ayaa sheegay inuu doonayo in diyaaradaha uu iibinayo ay qayb ka noqdaan qorshayaasha lagula dagaalamayo xoogagga Al-shabaab iyo ISIS oo ka dagallaama Soomaaliya, Ciraaq iyo Suuriya. Sidoo kale, Mareykanka, ayaa sheegay in sababta ku kalliftay inuu xilliga ka iibiyo dalal kale diyaaradihiisa Drones-ka ay tahay sidii aan suuqa ganacsiga loogaga awood roonaan, ka dib markii dalka Shiinuhu uu bilaabey inay iibiyaan diyaaradahooda Drones-ka loo yaqaan.
Xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka, ayaa sheegay in Mareykanku uu si dhaw ula socon doono dalalka uu ka iibinayo diyaaradahan Drones-ka si aan loogu adeegsan wax dhaawacaya sharciga caalamiga ah ee dhanka Bani’aadamnimada.
Saraakiil ka tirsan Gaashaandhigga Mareykanka, ayaa sheegay in Drones-ka uu iibinayo Mareykanka loo adeegsan doono kooxaha ka dagaaLlama dalalka Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq, Afgaanistaan iyo Liibiya, sidoo kalena ay qayb ka noqdaan ugaadhsiga hoggaamiyeyaasha kooxaha Islaamiga ah ee Caalamka.
Mareykanka ayaa hore uga iibiyay diyaaradda Drones-ka dalalka Britain iyo Talyaaniga; iyadoo dawladahaas ay u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha ay ugu yeedhaan argagaxisada ee caalamka ka jira.
Machad Falanqeeya kooxaha Islaamiyiinta ah ee caalamka ayaa aammisan in adeegsiga diyaaradahan ay sii laba jibaarmi doonto, adeegsigada xilligan la adeegsado. Iyadoo ay ku kici doonto iibinta diyaaradahan lacag dhan 5.2 bilyan oo doollarka Mareykanka ah. Inkasta oo aanay Saraakiisha arrintan shaaciyey magacaabin dalalka ay ka iibinayso dawladda Maraykanku diyaaradahan, haddana waxay wararka qaar tilmaamayaan in dalalkaas ay ku jirto Masar.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment