Ciyaaryahan Shikhar Dhawan orod uu si qurux badan u dhamaystiray ayaa soo afjaray ciyaar xulka haysta koob aduunkii ugu dambeeyey ciyaarta Cricket-ka ee Hindiya ay dhulka kula dhaceen qaranka ciyaarahan awooda iyo sumcadaba ku leh ee South Afrika.
Xulka Hindiya ayaa 130 orod oo guulaystay ku karbaashay South Afrika ciyaar labada qaran ku dhex martay magaalada Melbourne ee wadanka Australia.
Dhinaca kale xulka qaranka wadanka Srilanka ayaa dirqi iyo tu baas guushu ku raacday kadib markii ciyaar la isku naf baxay oo dhex martay iyaga iyo xulka wadanka Afghanistan ay ku kala baxeen guushana lagu siiyey Sri lanka sharciga kubadaha la isku gannay iyo qaabka qoriga loogu celiyey oo ay afar jeer dheeraadeen Srilanka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment