Hargeysa, 22 Feb, 2015 (Himilo)- Xuska Maalinta dhalinyarada Somaliland oo loo aqoonsaday 20-ka bisha labaad sannad kasta, balse Jicmihii dib looga dhigay oo Sabtidii shalay la qabtay, ayaa si weyn ay uga qayb-qaateen Dhalinyarada dalku, waxaana Munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ay soo qaban-qaabisay Dalladda Ururrada dhalinyarada ee SONYO ka qaybgalay Madax dawladda ka tirsan iyo dadweyne fara badan.
Maalintan oo ka mid ah maalmaha taariikhiga ah ee Somaliland laga xuso, ayaa ku timi markii Ardaydii Dugsiyada Sare iyo dhexe dhiganaysay ee magaalada Hargeysa 1982-kii, ay ka gedoodeen Dhalinyarada Urur la odhan jiray UFO uu Taliskii Millateriga ahaa ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey ay Xadhig sharci-darro ah iyo dil kula kacday, iyagoo doonayey dhalinyarada UFO inay hawlo Samo-fal ah ka fuliyaan gobolladii Waqooyiga Soomaaliya oo hadda ah Somaliland. Sidaa awgeed, ayaa loogu aqoonsaday maalinta dhalinyarada Somaliland.
Ciidammada qalabka danana kaga sanqadhiya ee Bamboyda, Ciidammada Booliska, Masuuliyiin dawladda ka tirsan, Ardayda dugsiyada, Masuuliyiinta Waxbarashada, Masuuliyiinta Dallada Ururrada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Xubno ka mid ah Dhalinyaradii UFO iyo dhalinyaradii dugsiyada ee dhagax-tuurka samaysay iyo dadweyne tiro badan oo ku dhaqan Caasimadda Hargeysa, ayaa saaka subaxnimadii ka dhaqaaqay Wasaaradda arrimaha gudaha ee magaalada Hargeysa, isla markaana socod ku tegay Maxkamadda degmada Hargeysa oo ah halkii Dhagax-tuurku ka bilaabmay, isla markaana lagu dilay Ardaygii ugu horreeyey ee halkaas dhagaxa ka tuuray, ahaydna Maxkamaddii Xukunka arxan-darrada ah ee sharci-darrada ah ku ridday dhalinyaradii UFO.
Waxa halkaas ka hadlay Masuuliyiinta Dalladda Dhalinyarada SONYO oo sheegay inay maalintani tahay maalin ku suntan taariikhda Somaliland guud ahaan, gaar ahaan dhalinyarada, iyagoo sheegay inay xusuus murugo leh u tahay shalay oo kale dhalinyarada Somaliland, isla markaana ay geesta kale u tahay maalin farxadeed maaddaama oo ay tahay markii uu xoogaystay halgankii qadhaadhaa ee Taliskii Millateriga ahaa ee Soomaaliya ku habsaday lagaga kiciyey gobollada Somaliland, markii laga dhiidhiyey sidii loola dhaqmay dhalinyaradii dugsiyada ee dhagax-tuurka samaysay iyo dhalinyaradii UFO.
“22-ka February waa maalin ku suntan taariikhdeenna, waa maalin ku suntan milgeheenna iyo sharafteenna, maalin aynu illaabi doonno maaha, waa maalintii ay dhiiggooda iyo naftooda u hureen dalkooda iyo dadkooda iyo Qarannimada aynu maanta hadhsanayno dhalinyaradii Xaq-u-dirirka ahayd, iyagana ALLAAH ha u naxariisto, intooda nool-na waxaan leeyahay taariikhdaa xusi doonta, waxay noqotay Maalinta Qaranka dhalinyarada Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Siyaad Cumar Cali.
“Waxaannu aamminsannahay dal kasta iyo Qaran kasta dhalinyarada markaa joogtaa dhalinyarada markaa joogtaa ay beddesho. Ma xusayno oo keliya inaan idin xasuusinno wixii maalintaa, dhacay, ma xusayno in dhalinnyaradii maalintaa dhimatay aynu u ducayno, waxaynu xusaynaa inay 22 Febraayo tahay maalinta dhalinyarada Qaranka Somaliland.” sidaa waxa yidhi Jaamac Muuse Jaamac oo ka mid ah Qoraayada reer Somaliland ee Qurbaha ku dhaqan oo Xuskan shalay lagu qabtay Hargeysa ka qaybgalay.
Sidoo kale, waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland Axmed Muxumed Madar oo ka mid ahaa dhalinyaradii UFO, waxaanu sheegay waxay dhalinyaradu ka dhiidhiday waa uu ahaa, waxaanu yidhi; “Kacdoonkii halkan ka bilaabmay ee ay hoggaaminaysay dhalinyarada reer Somaliland oo ka dhiidhiday Xaq-darradii, nadaam-xumadii, qaraabo-kiilkii iyo wax alla wixii fool-xumo ahaa ee lagu hayey dadka waa goobtii ay dhagaxa ka tuureen. Waana Maxkamaddii ay caddaalad-darradu ka socotay wakhtigaas 20-kii February 1982-kii.”
Wasiirka Wasaaradaha Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Cali Siciid Raygal, oo gunaanadkii Xuskaas ka hadlay, waxa uu dhalinyarada kula teliyey inay qabyaaladda ka dheeraadaan. “Waxa farxad innoo ah inaynu u dabbaal-degno sannad-guuradii 33-aad ee ka soo wareegtay 2-kii February 1982-kii, oo ah Maalintii dhalinyaradii UFO ee ka dhiidhiday dhibtii dalka iyo dadka Somaliland haysatay, isla markaana aynu ugu magic-darnay inay noqoto maalintani Maalinta dhalinyarada Somaliland, idinkana waxa dhalinyaroow la idiinka baahan yahay inaad qabyaaladda ka dheeraataan. Nabadgelyaad haysataan, waxbarasho ayaad haysataan, dadkiinnii baad la joogtaan, ammaankiinnii-baa sugan, markaa waa inaad fursaddaas ka faa’iidaysataan, dalkiinna iyo dadkiinnana uga faa’iidaysaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Cali Siciid Raygal.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment