Friday, February 20, 2015

Qarax ay Ku Naf Waayeen Masuuliyiin Kamid ahayd Dawladda Somalia Oo Maanta Lagu Qaaday Huteel Muqdisho ku Yaalla

Muqdisho:Feb,20,2015(Himilo)-Qarax isdaba joog ahaa oo ay sheegteen Kooxda Al-shabaab, ayaa maanta lala eegtay Hutel Central ee Magaalada Muqdisho, waxana Halkaas ku dhintay Tiro kamid ah Saraakiil katirsan Dawladda Somali, kuwaas oo iskugu jirey Xildhibaanno, Wasiirro, ku-xigeenno iyo siyaasiyiin kale.

cenDadka Dhimashadooda la xaqiijiyey, ayaa waxa kamid ah Cali Cumar Nuur (Cali Furtug), waxaa kaloo ku geeriyooday guddoomiye ku xigeenkii dhinac siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel).Gudoomiye ku xigeenkii Xisbiga DALJIR Cabdishukur Mire Aden, Abdifatah Khalif Badiyow Agaasimaha Xafiska Raisal wasaare ku xigeenka, waxaana sidaas oo kale ku dhaawacmay Xildhibaano kale iyo Masuuliyiin katirsan dowladda Xildhibaanadda dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdulqaadir Cali Cumar iyo Wasiirka Gaadiidka iyo dekadaha Nuur Faarax, Wasiirka duulista hawada Cali Axmed Jaamac (Jengeli), Wasiir ku xigeenkii hore ee arimaha federaalka Cabdiraxmaan Bankac iyo Siyaasi Salaad Cali Jeelle.

Kooxda Al-shabaab, ayaa sheegatay weerarkan, waxana aan wali wax jawaab ah soo saarin Dawladda Somalia, waxase la filayaa inay dhawaan Faahfaahin doonto Khasaaraha dhacay iyo sida xaalku yahay.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment