Wednesday, February 18, 2015

Turkiga Iyo Maraykanka Oo Ku Heshiiyey Xoojinta Quwadaha Kasoo Horjeeda Madaxweyne Asadka Syria

Ankara:Feb,18,2015(Himilo)-Xukuumadaha Dalalka Maraykanka iyo Turkiga, ayaa gaadhay Heshiis ku saabsan sidii Hub iyo Tababarro kala duwan loo siin Lahaa Xoogagga Mucaaridka ah ee Ku Kacsan Dawladda Madaxweyne Bashaar Al asad.

ooheAfhayeenada Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in Mareykanka ay mabda’a ahaan kula heshiiyeen Turkiga in tababar loo fidiyo kumanaan askari ka tirsan kooxaha mucaaradka Suuriya ee loo arko inay dhex dhexaad yihiin.

Qorshahan ayaa ah mid lagu xoojinayo mucaaradka awooda yar ee ka dagaalamaya Suuriya, marka loo eego Xoogaga Daacish ee gacanta ku haya dhul badan oo ku yaala Suuriya iyo Ciraaq, kuwaasoo dagaal ay kula jiraan xulafada uu hogaamiyo Mareykanka.

Maraykanka waxa uu doonayaa in dhowr kun oo xooggagan ah uu ku tababaro Turkiga gudihiisa iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka bariga dhexe.

Turkigu waxa uu doonayaa in hawlgalka miletari ee ka socda Suuriya intiisa badan diirada lagu saaro sidii xukunka looga tuuri lahaa xukuumada Bashar al-Assad, balse Maraykanka ayaa mudnaanta waxa uu siinayaa dagaalka lagula jiro kooxda Daacish.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment