Monday, February 23, 2015

Maayarka Caasimadda Oo Soo Kormeeray Dhismaha Waddooyin Dhawr Ah Oo laga hirgalinayo Gudaha Caasimadda Hargeysa

Hargeysa(Himilo)-Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa maanta kormeeray dhawr waddo oo caasimada ka socda, oo ay ku jirto waddo dheer oo isku xidha degmooyinka 26-ka juun iyo Gacan libaax iyo oo waddada dhereran jeelka ilaa xabaalaha naaso hablood.
Waddadan ayaa isku xidhi doonta degmooyinka 26 juun, Gacan libaax iyo Macalin Haaruun, waxaanay ku sii xidhmi doonta waddada weyn ee boqol iyo kontonka ee la doonayo inay magaaladda ku wareegto.

[gallery ids="16165,16164,16163"]

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Xildhibaan Axmed Daahir oo ah xoghayaha guddida dhulka waxaanu sheegay in wadadani ka mid tahay waxqabadka muddada gaaban ku qabteen golaha deegaanka caasimadda, isla markaana waddadani isku xidhi doonto degmooyin badan, taasoo gabi ahaanba dawladda hoose kharashkeedda bixinayso.
Guddoomiyaha guddida hawlaha guud iyo arrimaha dhulka xildhibaan Maxamed Warsame Caalam (Tima-cadde), ayaa isna shacabka xaafadan ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismaha waddadan oo muhiim u ah xaafadahooga, waxaanu yidhi “waa waddo xero jaadka soo daba marta ee Daami tagta una sii gudbisa xabaalaha Naaso hablood, dhexda way ku kala baydhayaan oo waddooyin kale kaga dhacaysaa, wadadan waxa dhismaheeda leh dawladda hoose, wax ka qaybgal ah oo lacag ah oo ay xaafadani ku darsatayna ma jirto, xaafadaha kale waddooyinka wax bay ku darsadaan, haddii laga tagi waayo biriishkan yar ayey sameeyeen, guddidii biriishkaasi samaysay waanu u mahad celinaya, waddadani jihooyinka Beri iyo galbeed ayey u kala baxaysa wayna yar yihiin waddooyinka dhinacaa u socda”
Maayar ku xigeenka Caasimadda Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) ayaa isna shacabka ka codsaday inay cashuurta iska bixiyaan si waddooyin ay u helaan iyo adeeg waxqabad oo muuqda, waxaanu yidhi “waddadan waad arkaysaa iyo waddooyinka kale ee caasimadda ka socda, waxaanu ka marag kacaynaa in aanu caasimada gaadhsiino caasimadaha kale ee adduunka laakiin waxa la idinka sugayaa inaad cashuurta iska bixisaan si wax la idiinku qabto.
Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Solteko ayaa isna ka warbixiyey waddadan iyo mashaariicda saddexdan bilood ee u horeeya ku tallo jiraan inay qabtaan iyo kuwo sanadkan ay qabanayaan, waxaanu yidhi:- “waxaynu maanta joognaa Ceelkii Daami, waxaanay waddadani asalkeedda ka soo bilaabantay jeelka weyn ee Hargeysa, waxaanay ka soo gudubtay xero jaadka dhabarkeeda, waxa kaliya oo dhisnaa inta u dhexeysa jeelka weyn ilaa Geerashka Aw Cali, waxaanu ka soo bilaabnay waddada geerashka Aw Cali ilaa Xabaalaha naaso hablood ila waddada boqol iyo konton, waxaanay isku xidhaysaa Degmadda Gacan Libaax Iyo Degmadda Macalin Haaruun, waxa dhexda kaga xidhmaysa waddo kale oo saddex degmo isku soo marta Koodbuur, Juun Iyo Gacan Libaax halkaasna ka soo galaysa degamada Axmed Macalin Haaruun, waddadana waxay kabaysaa oo ay ku xidhmaysa waddooyin kale oo aanu waddno, waana qayb ka mid ah mashaariicdii saddexda billood ee u horeeya aanu ugu tallogalno, waddadan qaybta koowaad imika dhamaystirayaan dadweynaha waxaan leeyahay laba siyaabood ha looga qaybqaato in cashuurtii la bixiyo iyo in dhismaha waddooyinka wax ku darsadaan, qofku wuxuu jecel yahay inuu waddo laami ah ay hor marto si gurigiis iyo meheradiisu qiimo u yeelato”.
Maayarka oo tilmaamaya waddooyinka kale ee ay wadaan waxa uu yidhi “Waddooyinka saddexdan billood ee u horeeya dhamaanaya waxa ka mid ah waddada Siiney, waddada sacaadadiin, waddada saylada tagta, intaasba saddexdan billood ayaa laga gaadhsiinaya, mashaariicda sanadkan ee horumarinta waxa kow ka ah waddo madaarka ka timaadda oo aanu waddada madaxtooyada hor marta oo kale ka dhigayno, waddadda labaad oo laba haad ka dhigi doono iyo qalabkii waddooyinka oo dawladda hoose soo iibsan doonto, sidaa darteed dadweynaha waxaas oo mashaariic ah ayey gacanta ku haysaa dawladda hoose ee waa inaad ka qaybqaadataan, haddii aydaan cashuurta bixin wax la qaban karaa ma jirto”.
Maxamed Cali oo ka mid ahaa odayaasha magaaladda ee qurbaha ayaa amaanay golaha deegaanka ee uu hogaaminayo Maayarka Caasimadda waxqabadka muuqda ee ay qabteen muddaddii ay joogeen, waxaanu qurba joogta kula taliyey inay ka qaybqaataan horumarinta caasimadoodda.
“suurogal maaha in culayska magaaladda lagu eego golaha deegaanka iyo maayarka caasimadda oo qudha ee waxa loo baahan yahay in qolo kasta deegaankoodda horumarinayaa kana qaybqaataan, waxaan doonayaa inaynu isku tagno oo aynu sanduuq furno oo aynu ku ridno wixii caasimadda lagu qurxinayo, waxaana maanta markhaati ka noqday guddidan fulinta culayska saaraan oo aad la soo xidhiidhaan maayarka iyo golaha deegaanka oo aad ku xidhnaataan oo waddooyinka dhistaan waliba magaciina ku qortaan magacyadiina sidaad jeclaydeen”ayuu yidhi Maxamed Cali.
Afhayeenka guddida hourmarinta degmadda Ibraahim Yuusuf Dhoole-yare ayaa isna golaha deegaanka iyo maaayarka caasimadda uga mahad naqay waddadan cusub ee ay xaafadoodda ka hirgalinayaan.“soomaalida waxa la yidhaa wax u qabo haku qiraan’e, waxay xaafadani qiraysaa in wax weyn loo qabtay, anigu waxaan ahay guddida dhaqdhaqaaqa horumarinta ee degmooyinka macalin haarun iyo Gacan libaax, waxaan maanta u soo jeedinayaa dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa waddooyinka tani u horeyso iyo kuwo la mid ah inay ka qaybqaataan, waxa la yidhi wax qabso wax ha lagula qabtee, haddii aad wax qabsato adiga wax-baa lagula qabanayaa, waa inaynu isku tashano oo maalkeena iyo muruqeenna isku darno oo wax ku darsanno waddooyinka, waxaan leeyahay gancsatada waa inay ku darsadaan waddooyinka caasimadda laga waddo”
Sidoo kale Maayarku waxa uu soo kormeeray waddooyinka ay caasimadda ka wadaan sida waddada Siiney, wadsada Sacadadiin ag marta iyo waddadda Sayladda ka timaada kuwaasoo dawladda hoose ka waddo caasimadda Hargeysa.
Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda Hargeysa ayaa sheegay in degmada 26 june dhamaystirtay numbareynta guryaha iyo meheradaha ku yaalla degmadaasi, isla markaana hay’adaha xaga GIS-ka caawiyey u mahad naqay.
Maayarka ayaa sheegay in numbaradan lagu dhajiyey guryaha iyo degmo kasta ogaato inta guryo ka dhisan iyo inta banaan ay muhiim u tahay in si dhibyar guri kasta loo ogaado inuu cashuurtii bixiyey iyo in kale.
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada 26 june aya sheegay in dhamaan guryaha iyo goobaha banaan iyo inta danta guud ee ku yaala degmadda June ay soo gabogabeeyeen, isla markaana uga mahadnaqay shaqaalaha iyo dadkii kale ka qaybqaatay, isagoo tilmaamay in hadda laga bilaabo si dhibyar loo ogaan karo dadka cashuurtii bixiyey iyo inta aan bixin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment