Wednesday, February 25, 2015

Wasaaradda Caafimaadka oo soo Saartay Go’aamo Faa’ido u ah In Carruurta Dhasha la Siiyo Caanaha Naaska Hooyada

Wasiirka Caafimaadka oo ka Digay caanaha carruurta ee la iibiyo iyo waxyaabaha ka horimanaya in ilmaha lixda bilood ee u horraysay naaska hooyada oo qudha la siiyo

Hargeysa, 25 Feb, 2015 (Himilo)- Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, ayaa soo saartay wareegto lagu yaraynayo ganacsiga caanaha iyo alaabooyinka wershadaha ee la siiyo carruurta yaryar, laguna dhiirigelinayo naas-nuujinta hooyada ee ilmaheeda.
124Wareegtadan oo qayb ka ah hirgelinta xeerka caalamiga ah ee suuq-geynta wax kasta oo lagu beddelayo caanaha naaska hooyada oo ka soo baxay Shirweynaha Caafimaadka Adduunka (WHA), isla markaana taageeraya dadaallada la doonayo in wax lagaga qabto dhimashada iyo nafaqo-darrada carruurta Somaliland, ayaa Wasaaradda Caafimaadku ku mamnuucday suuq-geynta caanaha iyo alaabooyinka kale la siiyo carruurta ka yar laba sanno jir si loogu beddelo caanaha naaska hooyada, taas oo faa’iido wayn u ah carruurta nafaqo ahaan iyo naas-nuujinta hooyadaba.
Cilmi-baadhis laga sameeyey carruurta Somaliland, ayaa natiijadii ka soo baxday lagu sheegay in kunkii carruurta da’doodu hal sanno ka yar tahay, 72 ka mid ahi dhintaan, halka heerka dhimashada kunkii carruur ah ee da’doodu ka hoosayso shan sanno tahay 91 ka mid ah.
Wareegtadan oo uu saaray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed, taas oo uu ku dhawaaqay Agaasimaha Guud ee wasaaraddaasi Isniintii dorraad, waxa guud ahaan mihnadlayaasha caafimaadka, xarumaha caafimaadka, isu-dawayaasha wasaaradda ee degmooyinka iyo gobollada iyo hay’adaha caafimaadka ee wadashaqaynta la leh wasaaradda oo lagu kala socodsiiyey lagu amray in aan suuq-geyn, xayeysiis iyo buunbuunin loo samayn karin caanaha qasacadaha iyo alaabooyinka warshaduhu soo saaraan ee la siiyo carruurta yaryar.
Go’aamada ay xambaarsan tahay wareegtada Wasaaradda Caafimaadku waxay u qornayd sidan; “Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxay ku hawlan tahay sidii loo dejin lahaa sharciyadda suuq-gaynta waxyaabaha loo adeegsado in lagu quudiyo dhallaanka iyo carruurta.
Haddaba, inta shuruucdan la sugayo hirgelintooda, waxa lagaga dhaqmayaa dhammaan xarumaha caafimaadka ee Somaliland go’aannada hoos ku xusan;
1. Dhammaan goobaha dhalmada, cusbitaallada iyo xarumaha kale ee caafimaadka oo ka shaqeeya caafimaadka hooyada iyo ilmaha inay ilaaliyaan, kor-u-qaadaan, xoojiyaanna in aan ilmaha caanaha naaska hooyada wax kale loogu darin lixda bilood ee uu horreeya nolosha ilmaha (first six months exclusive breats feeding), laguna daro in loo sii wado naas-nuujinta ilaa laba sannadood, iyadoo la raacinayo cunto kaabista ugu habboon.
2. Sidaa awgeed, caadaysiga, qaybinta iyo isticmaalka alaabooyinka (agabka) bilaa lacagta ah ama qiimahoodu hooseeyo sida caanaha carruurta sannad ka yar ama wax kasta oo lagu beddelo caanaha naaska ama dhammaan alaabooyinka uu ka hadlayo ‘xeerku’ waa in aan loo ogolaan qayb ka mid ah nidaamka caafimaadka.
Alaabooyinka xeerku sheegayo waa; dhammaan caanaha carruurta ka yar halka sanno, iyadoo ay ku jirto caanaha sida gaarka ah loo diyaariyey tusaale caanaha carruurta aan dhammayska ku dhalan ama caanaha carruurta lahankaca (elerjiga) leh iyo masaadadaha iyo cinjirka la jaqo.
3. Waa in aan loo isticmaalin xarumaha caafimaadka qorshe lagu horumarinayo caanaha carruurta ama alaabooyinka ku xusan xeerka, laguna xayeysiin boodhadhka, boostarada, jadwalada taariikhda sannadka, qalliimada, waraaqaha wax lagu qoro, saacadaha ama wixii qoraal ah ee muujinaya magaca ama astaanta cidda samaysay dhammaan alaabooyinka ku xusan xeerka waa in aan loo ogolaan inay ka muuqdaan xarumaha caafimaad.
4. Waa in shaqaalaha caafimaadka ee ka hawlgala daryeelka hooyada iyo carruurtu aanay;
a) Ka qaadan wax hadiyad ah, kaalmo ama gunno ah, lacag ama wax kale oo qiimo leh (sida casuumad qado) kuwa soo saara ama qaybiya dhammaan alaabooyinka ku xusan xeerka iyo cid kasta oo matasha iyaga.
b) Tusaaleyn ama u sharraxin caanaha warshadaha lagu sameeyo marka laga reebo hooyooyin gaar ah ama xubno ka tirsan qoyska oo ay ka jirto baahi xaalad gaar ah, kuwaas qudhoodana shaqaalaha caafimaadku waa inay is wacan ugu sharxaan khatarta isticmaalka caanaha warshadaha lagu sameeyo sida ka muuqata xogaha loogu baahayn yahay adeegsiga qodobka 4.2 ee xeerka.
c) Qaadan ama siin qofnaba muunad caano warshaduhu sameeyeen oo cid gaar ah loogu talogalay.
d) U ogolaanin shaqaalaha am acid kale oo matalaysa oo saaraha alaabooyinka uu xeerku ka hadlayo inuu si toos ah ama si dadban kulan u dhexmaro haweenka uurka leh ah, hooyooyinka ama xubnaha kale ee qoyskooda.
e) Laga fulin qiimayn, cilmi-baadhis ama hawlo kale oo la xidhiidha alaabada (products) xeerka suuq-geynta waxyaabaha caanaha naaska hooyada beddela tilmaamayo haddii aan ogolaansho qoraal ah laga helin Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
5. Wasaaradda Caafimaadka waxay ugu baaqaysaa dhammaan soo saareyaasha, qaybiyeyaasha iyo iibiyeyaasha caanaha carruurta, waxyaalaha lagu beddelo caanaha naaska hooyada iyo wixii kale ee caano iyo wax kasta oo kale ku xusan xeerka inay tixgeliyaan, una hoggaansamaan wareegtadan.
6. Dabagalka iyo dhaqangelinta siyaasaddan ee xarumaha caafimaadka waxa ka masuul ah madaxda xarumaha caafimaadka iyo isu-duweyaasha caafimaadka ee gobollada, waxayna warbixin bil kasta ah u soo dirayaan madaxda Qaybta Nafaqada ee Wasaaradda Caafimaadka.
7. Dhammaan shaqaalaha goobaha caafimaadku waa inay tixgeliyaan oo ay wareegtadan si habsami ah u dhaqangeliyaan laga bilaabo maalinta la saxeexo,” Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada ka soo baxay wasaaradda Caafimaadka Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment