Saturday, February 21, 2015

Thailand oo Sharci adag ka soo saartay Haweenka loo kiraysto inay Ajaanibka u dhalaan Carruur

Thailand, 21 Feb, 2015 (Himilo)- Dawladda waddanka Thailand oo ku yaala Koonfur-Bari qaaradda Eeshiya, ayaa laga ansixiyay sharci ka manuucayo dadka Ajnebiga ah inay kireystaan Dumarka dalkaasi si ilmo loogu dhalo, ka dib markii muran iyo diidmo ay ku kaceen dad Haween u kiraystay inay Carruur u dhalaan, kuwaasoo ku dooday inaan loo dhalin ilmaha ay rabeen caafimaad ahaan iyo jinsi ahaan-ba.
Arrintan oo ka dhacda dalal badan oo dunida ah oo qaarkood dhibaatada ka taagan u maaro la’ yihiin dhawaanahan, ayaa go’aanka Thailand ku mabnuucayso in Haweenka loo kiraysto inay u dhalaan dad Ajaanib ah oo iyagu lacag siinaya Haweenka danyarta ah ee dalkaas, ayaa ka dambeysay muran ballaadhan oo ka dhashay dad kiraystay Dumarka dalkaasi si ay ugu dhalaan ka dibna diiday inay qaataan ilmihii loo dhalay ee lagu kordhiyey Caloosha Haweenayda kale. Sannadkii tegay waxaa muran weyn dhaliyay Wiil Xanuun ku dhashay oo looga tegay Hooyadii loo kireystay inay ilmo dhasho.
Hooyada dhashay Wiilkaasi ayaa sheegtay in Waalidiintii Wiilka oo reer Australia ah ay ka tageen ka dib markii xanuun ay ku hubsadeen, iyagoo qaatay gabadh ay mataano ahaayeen. Arrintan ayaa sii xumaatay markii ay soo baxeen warar sheegayay in nin u dhashay dalka Japan uu adeegsaday dhawr Dumar ah oo reer Thailand ah, kuwaasoo dhammaantood ilmo u dhalay.
HOOYO THAILAND U DHALATAYDalka Thailand waxaa dhawaanahan ku soo batay Haweenka loo adeegsado inay dad kale ilmo u dhalaan. Dadka Dumarka kiraysanaya si ay ubad ugu dhalaan, ayaa isugu jira dadka aan iyagu dhasha lahayn, dadka waaweyn ee Waayeelka ah, dadka Maal-qabeenka ah qaarkood oo iska diidaya Xaaladaha Dhalmo iyo Uur-ku-sidista iyo dadka Caafimaad ahaan dhibaatada la muta dhalmada, kuwaasoo intay lacag bixiyaan Kiraysta Dumarka kale ee Danyarta u badan si calooshooda loogu kordhiyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment