Monday, February 23, 2015

Axsaabta Mucaaridka ah Iyo Madasha Wada-tashiga Oo Si Midaysan Uga Soo Horjeestay Dibu-dhac ku Yimaadda Doorashooyinka Dalka Ka Qorshaysan

Hargeysa:Feb,23,2015(Himilo)-Xisbiyada Mucaaridka Somaliland iyo Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka, ayaa kulamo ay maalmahanba lahaayeen maanta ku shaaciyey Mawqif midaysan oo ay kaga soo horjeedaan Dibu-dhac ku yimaadda Doorashooyinka Madaxweynenimada iyo Baarlamaanka.

madelKulan ay Labada dhinac maanta wada qabteen, ayey ku sheegeen in baahi weyn loo qabo wixii ka dambeeya 26-ka June ee Sanadkan in Baarlamaanka iyo Xukuumadduba ay Kuraasta Banneeyaan, isla-markaana laga hortago wax muddo-kordhin ah.

Ugu horrayn Nuxurka Shirarkii hoose ee u dhexeeyey Madasha iyo Mucaaridka waxa faahfaahiyey Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga Xasan Guure Jaamac, “Maalmahanba waxaa jirtay is waraysi iyo wada tashi laga leeyahay xaaladda wadanka, waynu Ognahay halkay marayso xaaladda dalku, Somaliland waxay ka kooban tahay Dhexda iyo Labada dacal. Waxaynu Ognahay labadii dacal waxa ka dhacaya.4-tii sanno ee dawladdani joogtayba Bariga dagaal baa ka socday.Galbeedkana dhawrkii Bilood ee inna dhaafay xaaladda ka taagan waynu Ognahay, haddaan wax laga qabanna halkay ku biyo shubayso waynu Ognahay” ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure.

Gudoomiyaha Madasha oo hadalkiisa sii wata ayaa deedafeeyay hadalkii Wasiirka Daakhiligu ku sheegay inaanay jirayn Xukumad la kala dirayo haddii doorasho qabsoomi waydo, “Qolyo Wasiiro ah oo istirin-tircinaya oo leh waxaas la qaban maayana waan arkayay, in waxaas la qabto iyo inaan la qaban waxay ku xidhan tahay in Xilkiina aad gudataan iyo inaydaan Gudan.waxaana muuqata inaad gudan waydeen.haddaa gudan waydeena in la idinku eegaa Umadda ayaa dambi galaysa oo Dambiga aad leedihiin ayaa la idin la galayaa” ayuu yidhi Mudane Xasan Guure.

Xasan Guure waxa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii dalka doorasho uga dhici lahayd “Labada Xisbi Mucaarad oo Sharci u leh inay doorashada ka qayb galaan,Madasha oo iyadu aan sharcigaasi lahayn laakiin, Og halka dalku marayo, waajibna ay ku tahay inay qaybtooda ka qaataan ayaa maalmahanba ka shirayay sidii wax looga qaban lahaa Xaaladda dalka, Sidii ay u dhici lahayd Doorasho Xor ah oo Xalaal ah oo Diwaangalintii leh oo Maxakamad inoo dhexaysa leh” ayuu yidhi Mr Xasan Guure.

Waxa uu sheegay inaanay suuro gal ahayn in la qabto Doorasho haddaan dalku lahayn Maxakamad u dhex ah tartameyaasha, caqabadna ay noqonayso in dalka oo darafyadiisu halkaasi marayaan in doorashada tabasho ka timaado islamarkaana la waayo Maxakamad lagu kalsoon yahay, maadaama doorashadii 2012-ka dhaliilo badani hadheeyeen.

Mudane Xasan Oo Guure oo ka jawaabaya Hadalkii Mudane Cali Warancadde waxa uu yidhi “Waxaad moodaa inuu ku jawaabayo Maskaxdii Siyaad Barre ee uu ku barbaaray, Xukunka Umaddaa leh ee isagu ma leh, isagu waa Shaqaale oo lama dooran. Isaga iyo Madaxtooyaduba kadinkay ka baxayaan markay dhamaato xilkii umaddu saartay eek u eekaa 26-ka June, waana inuu wakhtigaasi joogo Madaxweyne xilka lagu wareejiyo. Haddii Madaxweynuhu dhamayn waayay Qorshihii Doorashada Dadkaa qabanaya ee dadku yaanay ka didin dawladdu way tegaysaa, cidda tegaysaa waa ciddii la doortay ee wakhtigu ka dhamaaday. Dawladdu waxay u qaybsan tahay Shaqaale qaranka u shaqeeya iyo Goleyaal la doortay oo wakhti leh,xiligooda inay dhaaftana aanay ahayn” ayuu yidhi Mudane Xasan Guure.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment